Sawirro: Mahad Salaad oo xarun cusub kusoo kordhiyay NISA + Waxa ay qabaneyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta kormeer ku tagey xarunta hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa daah-furay xafiiska “Garmaqalka Dadweynaha”.

Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha, ayaa shaqadiisu tahay qabashada cabashooyinka dadweynaha ee ku saabsan xad-gudubyada ay galaan ciidamada NISA.

Xad-gudubyadan ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin kuwa ka dhanka ah xuquuqda iyo xorriyaadka aas’aasiga ah ee muwaadiniinta, waxayna dadweynaha Soomaaliyeed ay si toos ah u soo wici karaan xafiiskan cusub ee lagu soo kordhiyay hay’adda NISA.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku ammaanay hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirodoonka Qaranka hirgelinta xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo ah mid sii adkaynaya kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen hay’adda.

Mudane Xamza ayaa ka marqaati kacay in horumar la taaban karo ay ku tallaabsatay hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirodoonka Qaranka sannadihii dhawaa.

Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay hoggaannada kala duwan ee hay’adda in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan kor-u-qaadidda amniga Qaranka.

Agaasimaha hay’adda NISA Mahad Maxamed Salad ayaa tan iyo markii uu la wareegay hoggaanka hay’adda, ayaa waxa uu dib u habeyn ballaaran ku sameeyay NISA, oo mar si weyn ugu dhex milantay arrimaha siyaasadda, xilli ay hadda safka hore uga jirto dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirodoonka Qaranka ayaa hadda ah hay’ad sharci leh, kaasi oo soo afjaraya tacadiyadii maxaabiista ay xirto NISA iyo mad-madow oo ku gadaamna hay’addan.