Mareykanka oo $17.5 Milyan magdhow u siinaya haween xijaabka laga siibay

New York (Caasimada Online) – Booliiska magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa lacag dhan $17.5 milyan ku bixinaya dacwad ay so gudbiyeen labo haween Muslimiin ah oo lagu qasbay inay xijaabka siibaan mar ay sawirro ka qaadayeen booliiska laga shakisan yahay.

Dacwaddan oo ku muddeysneyd 2018 ayaa lagu sheegay in xoriyadda diimeed ee Jamila Clark iyo Ariwa Aziz meel looga dhacay, sidoo kalena arrimahooda u gaarka ah loo dhacay.

Sida laga soo xigtay qareennada, in ka badan 3,600 oo qof ayaa laga yaabaa inay helaan lacagta sida la qorsheeyay.

Siyaasadda booliiska ayaa oggolaatay in sawir lagu galo xijaabka afar sano kahor. Maamulka Magaalada New York City ayaa sheegay in kiiskan uu albaabka u furay in isbeddel toos ah la sameeyo.

Heshiiska magdhowga, ayaa si kastaba, waxaa qasab ah inuu ansixiyo xeer ilaaliyaha federaalka oo kiiskan ku daba jiray.

Sida laga soo xigtay dokumentiga maxkamadda, Ms. Clark ayaa oysay, iyadoo sheegtay inay dooneysay inay xijaab xirato waxayna ka codsatay booliiska inay gashato xijaabkeeda mar ay sawir ka qaadayeen.

“Markii ay igu qasbeen inaan xijaabka iska siibo, waxaan dareemay qaawani. Ma hubo haddii erayadu ay qiyaasi karaan sida aan u dareemay in meel la iiga dhacay,” ayay ku tiri war ay soo saartay Jimcihii.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan qeybteyda ka qaatay caddaalad u keenidda kumannaan reer New York ah.

“Heshiiskan wuxuu caddeynayaa inaan saxanaa sanadahaas oo dhan markii aan lahaa waa khalad inaan xijaabkeyga u siibo si sawir la iiga qaado,” ayay tiri.

Qareennada haweenka ayaa ku dooday in booliiska lagu qasbo inay xijaabkooda dhigaan marka ay sawir ka qaadayaan eedeysanayaasha ku sugan xarunta booliiska ay meel uga dhacayso xoriyaddooda diimeed iyo xitaa xuquuqdooda.

War uu helay wargeyska New York Times, ayaa waxaa lagu sheegay in waaxda caddaaladda ee magaalada ay sheegtay in heshiiskan uu “si taxadar leh isugu dheellitirayo xushmadda ay waaxdu u heyso arrimaha diinta ee aadka loo rumeysan yahay iyadoo muhiim ay tahay xoojinta sharciga loo baahan yahay marka sawir la qaadayo”.

“Cahdigan wuxuu u adeegayaa danaha dhammaan.”

Lacagta ayaa la filayaa in loo kala qeybiyo kumannaan dacwad soo gudbiyay kuwaasoo la xiray intii u dhaxeysay March 2014 ilaa August 2021. Qareennada ayaa sheegay in shakhsiyaadka ay heli karaan ugu badnaan $7,000 ilaa $13,000.

Golaha Xiriirka Islaamiga ah ee Mareykanka (CAIR), oo ah kooxda ugu weyn Mareykanka ee u ololeysa arrimaha Muslimiinta, ayaa ammaanay haweenka, iyagoo sheegay in isbeddelka uu saameyn doono haweenka diimaha kale heysta ee sidoo kale xirta maro-diimeedka madaxa lagu xirto.

“Waxaan mahad u direynaa haweenka Muslimiinta ah ee sida geesinnimada leh ugu adkeystay tan, iyagoo sababay isbeddel siyaasadeed oo ay ka faa’iidi karaan kuwo badan oo si isku mid ah waajibaad diini ay u tahay,” ayuu yiri madaxa CAIR ee New York, Afaf Nasher.

Sidee Puntland ugu dhaqantay sida Jamhuuriyad madax-banaan oo kale?

Isha BBC