Mareykanka oo ka war helay qorshe barnaamij Nukliyeer oo SACUUDI CARABIYA ay wado iyo dalka ka caawinaya

Riyadh (Caasimada Online) – Shiinaha ayaa Sacuudiga ka caawinaya in uu dhisto meelo uu ku sameysto nuclear xilli laga cabsi qabo in isbedeladii dhowaan dhacay ay muujinayaan in hanjabaadii jilicsaneyd ee Maxamed bin Salmaan ay run noqon karto, taasi oo ahayd in boqortooyadda ay sameysaneyso Nuclear.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa weriyay todobaadkaan in Shiinaha uu ka shaqaynayo dhismaha warshad uu Sacuudigu ku bacriminayo Uranium-ka, taasi oo ah isbedel weyn oo lagu sameynayo barnaamijka Nuclear-ka ee dadweynaha Sacuudigu isticmaalaan.

Uranium-ka loo yaqaano Yellowcake oo waddanku uu aad qani ugu yahay ayaa loo isticmaali karaa horumarinta hubka Nuclearka.

Warshadda waxaa la rumeysanyahay in laga sameynayo meel u dhow magaaladda ku taala woqooyi galbeed ee Ula waxaana dhismaha caawimaad ka geysanaya laba shirkadood oo Shiineys ah.

Sacuudiga iyo Shiinaha ayaa heshiis gaaray sanadkii 2012-kii kaasi oo ku saabsanaa Nuclearka korontada laga dhaliyo, laakiin Madaxweyne Donald Trump ayaa sidoo kale Sacuudiga kala hadlay farsamadda Nuclear-ka.

Kooxda wada-xaajoodka u qaabilsan Maraykanka ayaa sheegay in marka hore Riyadh looga baahanyahay in ay ogolaato nidamka ilaalinta si qalabka nuclear-ka loogu raro Sacuudiga, laakiin xukuumadda Riyadh ayaa u muuqata in ay u wareegtay dhanka Beijing si ay xadidaadahaas uga gudbaan.

“Sababta aan u sameyno heshiisyadda horumarinta nuclear ka ee aan wadamadda la galno waa in ay u dhaqmaan heer sare islamarkaana ka shaqeeyaan xiriirka Maraykanka. Sacuudigu waxay doonayaan in ay heshiiska helaan, in ay taas ka tagaanna ma ogolaaneyno” ayuu yiri Senator Chris Murphy oo la hadlay Wall Street Journal.

“Qiyaasteyda waa in mid ka mid ah sababaha Sacuudihu uu Shiinaha u aaday ay tahay in uusan lahayn xakameynta uu Maraykanku uga baahanyahay” ayuy Murphy ku daray.

Inkastoo boqortooyadu ay weli aad uga fogtahay in isku hubeyso uranium, warbixintu waxay sheegeysaa cabsida Maraykanka dhexdiisa ka jirta ee ah in Riyadh ay ka shaqayneyso in ay hesho agabka laga sameeyo nuclear ka.

Isbedelkaani waxaa uu noqon karaa qorshe muddada fog ah oo ka dhan nuclear-ka Iran, sida Wall Street Journal uu kasoo xigtay Ian Stewart oo ka tirsan machadka Martin Center for Nonproliferation Studies.

“Waa talaabo kal oo loo qaadayo bacriminta barnaamijka unianum-ka.”

Amiir Maxamed Waxaa uu ka digay 2018-kii “haddii Iran ay sameysato bomb nuclear ah, inaguna waan sameysan doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan,” taasina waxay congress-ka Maraykanka ka abuurtay cabsi ah in Sacuudigu sameysto nuclear.

Wararka cusub ee la xiriira bacriminta nooca uranium-ka ee yellowcake waxay indhaha congress-ka kusoo jeedin kartaa shirkadaha Maraykanka ee Sacuudiga la shaqaynaya iyo kaalmadda kale ee Maraykanku siiyo Sacuudiga.

Sacuudigu waxaa uu ku adkeysanayaa in barnaamijkeeda nuclear-ka uu yahay mid nabdoon iyo qayb ka mid ah qorshaheeda ilo dhaqaale oo kala duwan.

Wasiirka tamarta ayaa war ku sheegay in aysan jirin in ay warshad nuclear ka sameynayaan meelaha lagu sheegay, laakiin waxaa uu sheegay in shirkad Shiinaha laga leeyahay heshiis lagula galay soo saarista uranium-ka Boqortooyadda Sacuudiga, sida uu wariyya wargeyska WSJ.

“Halkee hufnaantu talaa? Hadii aad sheeganeyso in barnaamijku uu mid nabdoon yahay, maxaadan doo tuseyn waxaaad heysato?” ayuu agaasime ku xigeenkii hore ee hey’adda quwadda atoomikadda aduunka  Olli Heinonen u sheegay Wall Street Journal.