Maxaa iska beddelay qiimaha iyo adeegyada Xujeyda Soomaalida ee sanadkan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa foodda nagu soo haya waqtiga gudashada waajibaadka Xajka ee sannadkan , waxaana durba la bilaabay hawlaha loogu diyaar garoobayo gudashadiisa.

Waxaa magaalada Muqdisho ka baxay qeybtii ugu horreysay ee xujeyda Soomaaliya ee sanadkan.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya iyo guddiga Arrimaha Xajka ayaa sannadkan shaaciyey khidmada lacageed ee laga qaadayo Xujayda Soomaalliyeed ee doonaya inay sanadkan soo Xaj gutaan.

Qiimaha sanadkan ayaan wax weyn ka duwanayn kii hore, marka la eegana farqiga ayaa dhan wax aan ka badnayn konton dollar.

Sida ay sheegtay wasaarada awqaafta iyo arrimaha diinta waxaa sanadkan Soomaaliya ka xajin doonta 11,500 oo xaaji.

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta Khadar Xaaji Daahir Suleymaan ayaa BBC-da u sheegay in xujeyda sanadkan ay ka kala imaanayaan dhammaan deegaanada jamhuuriyadda fedraalka ee Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in qof walba oo haysta baasboor Soomaali ah isla markaana soo dalbaday Xajka uu xaq u leeyahay inuu soo guto waajibaadka Xajka.

“Qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka ahna wata, meshuu doono ha joogo, oo xajka soo xareystay oo soo codsada ayaa xaq u leh” ayuu yiri mr Khadar.

Dhawaan maamul goboleedka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe in ay siyaasadeynayso arrimaha Xajka.

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Puntland ayaa sheegtay in aan si caddaalad ah loogu qeybin gobollada dalka tirada Xujeyda ee sanadkan soo xajinaysa.

Balse wasaarada Awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda federaalka ayaa sheegtay in aysan jirin wax cabasho ah oo uga timid dhanka Puntland.

“Wax cabasho ah oo rasmi ah oo dowlad goboleedka Puntland ka soo baxay ama haddii ay tahay xafiiska arrimaha Xajka ama wasaarada diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ilaa hadda na soo gaadhay oo cabasho ah oo rasmi ah ma jirto” ayuu yiri Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda Awqaafta Soomaaliya.

Mr Khadar ayaa farta ku fiiqay in howsha Xajka ay si toos ah u maamusho wasaarada awqaafta ee dowladda dhexe, isla markaana ay la macaamilaan shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka.

“Xajku waa heer federaal, wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta jamhuuriyadda federaalka ee soomaaliya ayaana maamusha, waxayna ku maamushaa in ay shirkado Soomaaliyeed oo gobolada dalka iyo meel walba ka soo jeeda inay soo tartamaan iyo shaqada sida ay uga soo bixi karaan cidii shuruudaas soo buuxisa ayaa ku guuleysata,” ayuu intaa ku daray.

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Khadar Xaaji Daahir Suleymaan ayaa carabka ku adkeeyay in wasaarada awqaafta ee dowladda federaalka aysan arrimaha Xajka kala macaamilin maamul goboleedyada.

“Shirkadaha ayaa asal u ah oo gundhig u ah, maamulada dalka ma aha in wasaaraddu ay kala xaasho oo ay dhahdo maamulkaas intaas ha la siiyo ee waxaa la eegaa tirada boqoleyda ee xujeyda sanadadii ugu dambeeyay ka soo bixi jiray ayaa loogu dhiibayaa shirkadahaasi” ayuu yiri Mr Khadar.

Maxaa iska badalay sanadkan adeegyada Xujeyda?

Sanooyiinkii u dambeeyay waxaa soo baxayay cabashooyin ka imanayay Xujeyda Soomaalida taasi oo ku saabsan adeegyada la siiyo marka ay xajinayaan.

Waxyaabaha ay xujeydu cabashada ka muujiyaan waxaa ka mid ah goobaha la dejiyo oo fog iyo gaadiidka oo mararka qaar ciriiri ah.

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Khadar Xaaji Daahir Suleymaan ayaa sheegay in sanadkan ay isbadallo badan sameeyeen si cabashooyinka soo baxay wax looga qabto.

“Sanadkan iyo sanadkii horaba isbaddal wayn ayaa dhacay oo xagga Xajka ah, sanadkan oo kale shaqada Xajka waxaa la bilaabay bishii Oktoobar ee sanadkii hore, xilli hore ayaa la bilaabay si waxyaabihii dhici jiray looga gudbo,” ayuu yir Khadar.

Waxaa uu intaa ku daray in sanadkan ay diyaariyeen khidmooyin badan oo xujeyda u sahli doona in ay tagaan meelaha ay ka soo gudanayaan acmaasha Xajka.

“Waxyaabaha aan kuu taaban karo oo isbaddalka ah ee la sameeyay waxaa ka mid ah isbaddal laga sameeyay dhanka gaadiidka Xujeyda oo ah nidaamka loo yaqaano (Rad waaxid) oo ah xujeyda Soomaalida in hal mar laga wada qaado Maka oo Mina la geeyo, Mina-na laga qaado oo Carafo la geeyo, islamarkaana Carafa laga soo celiyo oo Mina lagu soo celiyo” ayuu intaa ku daray.

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa xusay in gawaari ay tiradoodu ay kor u dhaafeyso 200 ay u diyaariyeen Xujeyda sanadkan.

Macnahu wuxuu yahay Basas aad iyo aad u fara badan oo 230 Bas kor u dhaafaya inay Xujeyda Soomaaliyeed qaadi doonaan, sanadkan waa la soo dhaweeyay masaafada oo qaar waxay xaramka u jiraan 2 kiilo mitir, qaar kiilo mitir iyo bar qaarna saddex kiilo mitir way u lugeyn karaan dhammaantood,” ayuu yir Khadar.

Isha: BBC