Maxaa ka jira in nin Soomaali ah lagu qabtay Ukraine isaga oo u dagaalamaya Ruushka?

Kyiv (Caasimada Online) – Maalmihii lasoo dhaafay waxa si weyn baraha bulshada aad looga hadal hayay nin sheegay in uu Soomaali yahay oo lagu qabtay dagaalka ka socda dalka Ukraine.

Ninkaan oo markii hore ay soo bandhigtay Warbaahinta Ukraine ayaa la sheegay in uu qeyb ka ahaa koox calooshood u shaqeysatayaal ah oo ka barbar dagaalamayay ciidanka Ruushka .

Raggaan oo gaarayay ilaa afar nin ayaa la sheegay in laga qabtay magaalada Marinka ee gobolka Donetsk waxaan ka mid ah nin magaciisa ku sheegay Maxamed Adiila.

Maalmo kadib markii ninkaan la soo bandhigay ayaa muqaal laga duubay waxaa uu ka hadlay halka uu ka yimid iyo sida loo qabtay, isagoo ku hadlayey luqadda Ingiriiska.

Waxaa uu sheegay in ka soo tagay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, uu soo maray dalka Itoobiya ka dibna uu kaga soo gudbay Dalka Ruushka oo uu ku yimid dal ku gal dalxiis ah .

Waxaa uu tilmaamay in markii uu ruushka uu yimid in loo ballan qaaday dhaqaale lacageed hadii uu ka mid noqdo ciidanka Ruushka.

Muqaalka ninkaan laga duubay ayaa hadal hayn weyn ka abuuray baraha bulshada, ayada oo qaar badan oo ah dadka isticmaala ay ku doodeen in ninkan uusan Soomaali ahayn.

Sargaal sare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in ninka uusan Soomaali ahayn.

Waxaa uu sheegay sarkaalka oo codsaday in magaciisa aan la sheegin in xiriir ay la sameeyeen wasaaradda arrimaha dibada Ukraine iyo safaaradda Soomaaliya ee Ruushka, ilaa iyo haddana aysan hayn cadeeyn ah in ninka uu yahay Soomaali.

“Marka aan fiirino lahjada af ingiriiska uu ku hadlayo ninkaan, boqolkiiba boqol ma aha Soomaali,” ayuu yiri sargaalka ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, wuxuuse intaa ku daray in ay doonayaan inay si fiican u hubiyaan haynta ninkaas.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo hore Ruushka loogu eedeeyay inuu si qasab ah ku askareeyay dadka muhaajiriinta ee doonaya in ay gaaraan dalalka Yurub.

Waxaan aragnay kiisas dhowr ah oo ku saabsan dad ajaaniib oo la geeyay xero milatari oo ciidanka Ruushka ay leeyihiin oo ku taal xadka Ukraine, maalmo kadib markii lagu soo eedeeyay inay jabiyeen sharciga socdaalka.

Dhaqanka ah in dadka ku jira xarumaha dadka lagu hayo ka hor inta aan la masaafurin dalkooda lagu qasbo in ay saxiixdaan heshiis dhigaya in qeyb ay ka noqdaan shaqada ciidamada iyo dagaalka dalka Ukraine ayaan ahayn mid cusub, balse tirada ayaa sii kordhay kadib markii muhaajiriin ajaanib ah ay soo gaareen xadka Ruushka uu la wadaago Finland .

Qaar ka mid ah dadka muhaajiriinta ah ayaa la xiray ka dibna maxkamad la soo taagay, dadka la hor keenay maxkamadda Karelia waxaa ka mid ah nin Soomaali ah oo 40-jir ah, kaas oo la xiray bartamihii bishii November ee sanadkii hore waxaana lagu xukumay ganaax dhan 2,000 Rubles oo u dhigma (£17; €20) iyo in dalka laga musaafuriyo.

Waxaan sidoo kale ogaanay in ilaa toban maxbuus la geeyay xaruntii hore ee masaafurinta ee Petrozavodsk, ee caasimadda Karelia, ayada oo markii halkaasi la geyay ay u yimaadeen wakiilo ka socda militariga oo u soo bandhigay in ay ka mid noqdaan ciidanka Ruushka. Waxaa loo ballan qaaday mushaar wanaagsan, daryeel caafimaad iyo ogolaansho ay ku joogaan Ruushka marka ay dhameystaan qandaraas ciidan oo hal sano ah.

Dadka shaqada loo soo bandhigaya waxaa ka mid ah dhalinayro Soomaaliyeed oo donayey in ay gaaran dalalka kale ee Yurub.

“Nalama siin dukumeentiyadii qandaraaska, xitaa si sax ah nalooma tusin, waxaan weydiinay [shaqooyinka maxay noqon doonaan] laakiin waxay noo sheegeen inay fududahay oo ay wanaagsan tahay,” ayuu yiri mid ka mid ah dhaliyarada Soomaaliyeed.

Waxaan la xiriirnay wasaaradda arrimaha gudaha ee Ruushka si aan wax uga waydiino eedeymaha sheegaya in maxaabiista ajnabiga ah la siiyo qandaraasyo ciidan si loo sii daayo.

Isha: BBC