Maxaa ka jira in Soomaaliay ay Kenya uga tanaasuleyso tartanka kursiga M/Afrika?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo haatan ah xildhibaan ka tirsab golaha shacabka, horayna usoo noqday safiirkii hore Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo guddoomiyihii baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan tartanka iyo loollanka ay Soomaaliya ugu jirto kursiga guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Fiqi ayaa sheegay inay jiraan warar soo baxaya oo sheegaya in dowladda fedeeraalka Soomaaliya ay ka tanaasuleyso ololaheeda musharaxnimo, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay wax laga xumaado.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha socda uu yahay uu yahay in madaxda dalka ay Fowsiyo Xaaji Aadan oo u tartameyso kursigaasi ka dalbadaan inay isaga harto, isaga oo tilmaamay in taasi ay khasaare wayn kala kulmi doonto Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa nasiib darro wararka sheegaya inay Soomaaliya ka tanaasulayso musharaxnimada Midowga Afrika” ayuu yir Dr. Cali Saciid Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in helidda kursigan uu xilligan muhiim u yahay Soomaaliya, isla markaana uu kor u qaadayo maqaamka dalkeenna, maadaama uu hoggaaminayo Afrika, haddii uu ku guuleysto xilkaasi.

“Doorka guddoomiyaha AUC wuxuu xambaarsan yahay saameyn aad u weyn, mana aha oo kaliya mid waxtar u leh dalka, laakiin sidoo kale wuxuu kor u qaadayaa maqaamkeenna qaran,” ayuu raaciyay Faqi.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in Soomaaliya ay u ogolaan doonto in ay cod weyn ku yeelato arrimaha gobolka iyo in la helo gogol looga hadlo arrimaha muhiimka u ah Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Ugu dambeyn wuxuu kula taliyay dowladda federaalka Soomaaliya in aysan ka tanaasulin tartanka, ayna ku adkeysato go’aankeeda ku aadan sidii ay u heli lahayd kursigaas oo ay kula tartami doonto dowladda Kenya.

Soomaaliya waxaa mateleyso Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo soo noqotay ra’iisul wasaare ku xigeen, taas oo horay mar hore sii billowday ololaheeda, halka Kenya uu u tartami doono Raila Odinga oo isna soo noqday madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi.

Si kastaba, musharraxiinta guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa la filayaa inay araajidooda soo gudbiyaan bisha August ee sanadkan, iyadoo doorashada ay ku beegan tahay bilowga sanadka soo socda ee 2025.