Maxaa ragga Soomaaliyeed loogu sheegay Morocco?

Rabat (Caasimada Online) – Waxaa muddooyinkan dambe si aad ah usoo badanaya rag Soomaaliyeed oo dhalinyaro u badan, oo u guur doonayaya dalka Morocco, sheekadaasi oo si weyn u qabsataya baraha bulshada Soomaalida.

Sidoo kale waxaa baraha bulshada ku baahay muuqaalada rag Soomaaliyeed oo gabdho Moroccan ah la aqal galaya, halka kuwa kale ay sheegayaan inay u socdaan Morocco, si ay calafkooda uga raadsadaan.

Morocco oo ah dal muslim ah, ayaa waxaa dhaqan ahaan ku adkayn in ay dadkooda guursadaan ajnabiga, sidoo kale waxaa ku yaalla xafiisyo ka shaqeeya guurka, kuwaasi oo haya gabdho guur diyaar u ah.

Sida la sheegay shuruudo kooban ayay tahay in soo maraan ragga u aada xafiisyadaas inay guursadaan, waana midda ay rag badan oo Soomaali ah ugu daateen.

“In uu cadeeyo waddanka uu ka yimid, dhaqaalihiisa iyo in uu guurar hore soo maray, waana in uu keeno warqadda cadeynaysa in uusan danbi laheyn iyo kuwa kale dhalashada ee asalka ah,” ayaa sidoo kale kamid ah shuruudaha, sida uu BBC u sheegay Cabdiraxmaan Qanyare oo ah 72 jir howl-gab ah oo ka yimid UK, islamarkaana sanado dhowr ah degan dalkaasi Morocco.

Cabdiraxmaan oo xilligaan ragga Soomaliyeed ee dalkaasi taga ka caawiya sidii ay u heli lahaayeen gabdhaha waddankaasi u dhalatay, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in bulshada Morocco ay yihiin dad wanaagsan oo jecel dadka Soomaliyeed.

Laakiin waxa uu tilmaamay in haweenka waddankaasi ee ragga Soomaaliyeed ay guursadaan aysan jeclayn in loo soo wado gudaha Soomaaliya, sababo la xiriira cabsi dhanka ammaanka ah, sida uu sheegay.

“Maadaama ay wararka ka arkaan colaado ka dhaca ma jecla in loo wado Soomaaliya iyo sidoo kale dowlad deeganka Soomaalida,” ayuu hadalkiisa kusii daray Cabdiraxmaan Qanyare.