Maxaa sababay guuldarada ciidamada Somaliland ee dagaalka Laascaanood?

Kadib dagaal aad u qaraar oo geystay khasaare dhinacyo badan ah oo muddo 5 maalmood ah ka aloosnaa magaaladda Laascaano, madaxda maamulka Somaliland ayaa kudhawaaqay xabbad joojin aan caga adag kutaagneyn misna hal dhinac ah oo aan wax sharuud ah ku xirneyn, taasoo wali hogaanka dhaqanka bulshada reer Laascaano ka fakarayaan sugnaanteeda.

Sida muuqata, dagaalkan ma uusan aheyn mid ay horey usii qorsheeyeen ciidamada maamulka Somaliland iyo shacabka deegaankuba, balse waxuu u muuqday mid si dhaqso ah uga dhashay falal guracan oo maamulka Somaliland kagaabsan karay oo lagula kacay bulshada deegaanka Laascaano oo horey tabanaayey daruufo iyo tabashooyin dhanka nolosha ah oo uusan maamulka Muuse Biixi iyo madaxdii asaga kahoreysay-ba aysan siin mudnaantii ay laheyd.

Hadaba, marka lagasoo tago gaabiska siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay mudada dheer bulshada gobolka Sool cod dheer iyo mid gaaban-ba kumuujianayeen, waxaa sidookale in ladarso u baahan waxa sababay guuldaradda ay ciidamada maamulka Somaliland kala kulmeen dagaalkii 5ta maalmood kasocday magaalada Laascaano.

Ciidamada Somaliland waa ciidan ugu yaraan leh tababar ciidan ayna u dhmaeystiran yihiin dhamaan agabkii iyo saadkii ciidan-nimo marka laga reebo diyaaradaha dagaalka. Waxay Laascaano kula dagaalameen dad u badan shacab oo hubka u qaatay  caro  ay kaqaadeen falalka xoog sheegashada ah ee ay ciidamada Somaliland kula kaceen bulshada Laascaano. Gacanka kahadalka ayaa durbadiiba  salka lagalay mid qabaa’il, taasoo dab kusii daartay culeyskii taagnaa. Hadaba inuu ciidanka Somaliland ku guuldareysto inuu ka libin keeno dagaalkaas waxaa lagu macneyn karaa;

a) – Ujeedka dagaalka oo aan kala cadeyn (target-less war): marka la eego dhinaca bulshada deegaanka Laascaano waxuu dagaalku ula muuqday inuu yahay mid xaq ah oo lagusoo weeraray naftooda, maalkooda iyo sharaftooda, qofkii kadhintana yahay xaq u dirir sharaf ku dhintay halka midkooda nool xoriyad kunaaloon doono hadii uu waqtigu u saamaxo. Dhanka maamulka Somaliland, maadaama uusan dagaalku aheyn mid horey usii qorsheysnaa laakiin kubilowday si lama filaan ah, waxay adkeysay inay ciidamada maamulka Somaliland fahmaan ujeedka laga leeyahay dagaalka iyo yoolka la tiigsanayo ee ay u dhimanayaan kadib 20 sanno oo ay horey gacanta ugu hayeen gobolka Sool. 

b) – Dagaalkan oo aan taageero kufilan kahaysan gudaha Somaliland qudheeda: tan iyo markii uu bilowday dagaalkan, waxay bulshada degta Somaliland ku kala qeyb-sanaayeen aragtida dagaalka, bulshada inteeda badan waxay dadka kasoo jeeda gobolka Sool u garanayaan inay yihiin dad qeyb-weyn kulahaa halgankii gooni iskutaaga gobolada waqooyi iyo yagleelkii maamulka Somaliland balse aanan loogu hambeyn sidii ay u miiseen, sidaas darteedna ay tabashadoodu tahay mid in loo garaabo mudan. Hadaba, maamulka Muuse Biixi waxuu galay dagaal aanan haysan taageerada dadweynaha marka labarbar-dhigo dagaaladii hore ee kadhacay degaanka Tukaraq oo dadweynuhu kugarab taagnaa dowladda iyo ciidankooda. Tan ugu daran ayaa ah In dadweynaha Somaliland u arkaan hogaanka Muuse Biixi mid cuuryaamiyey hanaankii qori isku-dhiibka ahaa ee kudhisnaa doorashada iyo dimuquraadiga una xuub-siibtay xukun caburin iyo awood marooqsi kusifoobay.

c) Ciidanka Somaliland oo aan u baran dagaalka magaalada dhexdeeda ah: ciidanka Somaliland waa ciidan sida kamuuqata haysta agabka xoog leh oo ah kuwa loogu jecel yahay deegaanka Soomaalida, laakiin waa ciidan waaya aragnimadiisu u carbisan tahay dagaalada foolka foolka ah ee ciidamada fadhiisimada cayiman oo lagu garto leh (conventional war). Sidaas darteed maadaama uu dagaalku ahaa mid ka dhacayey magaalo iyo xaafado dhexdooda, waxaa adag inaad kala garato cadowgaaga iyo saaxiibkaa, waayo waxaa suuragal ah inay xabbadu albaab walba kaagasoo dhacdo. Dagaalada noocan oo kale ah wey adag tahay in laga libin keeno, hadii aadan haysan taageerada bulshada deegaanka. 

d)Qayimka ay labada ciidan kudagaalayaan oo kaladuwan: ciidamada u dhashay magaalada ee la dagaalamayey kuwa Somaliland waxay ahaayeen ciidamo kudagaal galaya magaca qabiilka ama qabiilada degan deegaankaas, taasoo u sahashay inay ogaayeen qolada ay iyagu yihiin iyo qolada ay la dagaalamayaan, balse dhanka ciidamada Somaliland waxaa kajiray jahwareer cida ay ayagu yihiin ah maadaama uu maamulka diidanaa inuu si qayaxan u sheegto inuu magac reer-nimo kudagaal galayo ama duulaan kuyahay qabiil gaar ah oo Somaliland qeyb ka ah, waana sababta keentay inuu maamulka Somaliland dhankii ladagaalayey ku tilmaamo argagixiso. Arrintan waxay saameyn kuyeelatay askartii maamulka Somaliland oo ku wareeray dhab ahaanta cida ay la dagaalamayaan iyo magac bixintan cusub oo aan maangal ula muuqan.

e) Cadaadiska beesha caalamka oo xoogeystay: maamulka Muuse Biixi waxuu qaaday talaabooyin faraban oo uu kudoonayo inuu xalaaleeyo ama sharciyad u helo dagaalka Laascaano sida in Somaliland lagusoo duulay ama argagixiso ay kadilaacday Laascaano, laakiin taas badalkeeda caalamku waxuu arkayey ciidamo si aan kalasooc laheyn u duqeynaya magaalo dhan iyo shacabkeeda, sawirkaas waxuu horseeday  in madaxweyne Muuse Biixi loo arko in maamulkiisu kukacayo waxii uu ku eedaynayey xukunkii Kacaan ee Maxamed S. Barre (the old victim, victimizing others). Taas waxay horseeday inay sii xoogeystaan baaqyo iyo canaan is-daba joog ah oo loo jeedinayey maamulka madaxweyne Muuse Biixi oo ugu danbeyntiina gartay inuu xabad joojin sharuud la,aan ah ku dhawaaqo.

Maxaa lagudboon maamulka Muuse Biixi?

Maamulka Muuse Biixi waa inuu gartaa xaqiiqda maanta hortaala oo ah in dadka dega gobolka Sool ay kumideysan yihiin halgankan ayna luntay fursad kasta oo ay qeyb uga ahaan lahaayeen maamulka Somaliland dagaalka kahor. Maamulka Somaliland waxaa maanta lagudboon inuu xal nabadeed iyo daris wanaag ah lagalo hogaanka bulshada Sool ayadoo aanan cidna lagu qasbin qadiyada kamid ahaanshaha Somaliland waqtigan. Waa inuu maamulku hoos u eego xiriir waalidnimo, walaalnimo ama xididnimo ee kadhaxeeyo laba bulsho islamarkaana abuuraa jawi lagusoo nooleynayo wada noolaanshihii qarniyada jirtay ee bulshada laba dhinac. Maamulku waa inuu aqbalaa inay jirto xiriir kafac-weyn midka siyaasadda oo bulshadan kadhexeeya kanasii dhaxeyn doona. Waa nasiib darro ku habsatay bulshadeena in abbaaro, dalag iyo daaq la,aantii colaad iyo barakac loogu daro.

Hamdi Wardhere Mohamed, waxaad kala xiriiri kartaa Email: zudeys9@gmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.