Maxaa sababay in Soomaaliya ay daba fariisato KENYA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa qormo cajiib ah ka qoray booqashada taariikhiga ah ee uu madaxweynaha Kenya, William Ruto ku tegay waddanka Mareykanka.

Siyaasigan oo qoraalkiisa diiraddda ku saaray waxa uu ka dhigan yahay safarkan, ayaa is barbar dhig ku sameeyay dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa su’aal ka keenay sababta ay Soomaaliya xilligan arrimaha ay ka rabto Mareykanka ugu daba fariisatay Kenya, oo aan o xornimada ka hor qaadanay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu buuqashadii ugu dambeysay ee uu ku tegay Kenya ujeedkeeda uu ahaa mid uu ugu muraaday in uu faylal Soomaaliya quseeya aqalka cad ugu sii dhiibo, William Ruto oo casuumaad rasmi ah ka helay Joe Bide.

Hoose ka aqriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Kenya weli xor ma noqon, gacanta gumaystaha ayeyna ku jirtay markii uu Madaxweynihii Maraykanka ee xilligaa John F. Kennedy aqalka cad ee ku casuumay AUN RW C/rashiid Cali Sharmarke. Si la mid ah sida uu maanta Joe Biden ugu qaabilay Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Waxaa laga joogaa 64 sano, laakiin haddii aad daalacato diiwanka hadalladii ay is dhaafsadeen Kennedy iyo Sharmarke, waxba ma dooriyaan kuwa ay maanta is dhaafsadeen Biden iyo Ruto.

Soomaali waxay ku maahmaahdaa “lax waliba shillinkii ay is dhigto ayaa lagu gawracaa”.

Su’aasha ugu wayn ee inna dul hoganaysaahi waa maxaa sababay in Kenya halkaa gaarto oo ay weliba wakiil naga noqoto, iyo in uu Madaxweynaheena dad ku dhow u sheego in kulankii isaga iyo Ruto dhexmaray uu ugu muraaday in uu faylal Soomaaliya quseeya aqalka cad ugu sii dhiibo?

Waxaa ina dhigay in garashadeennu ka gudbi la’dahay xayndaabka beesha, deegaanka  iyo kooxda, in aan diracnimada qofeed mid qaran ka dhigi waynay, haybtii qabiil ka gudbi la’nahay, weli dhex ma quurayno ficiltankii yo baratankii beelaha, in aan ka dayuusownay masayrkii iyo sariigtii qaran, in aan damacii shakhsiga iyo dantii gaabnayd dhaafi waysanahay, iyo in aan  tuugsi iyo tuuganimo meheradeena noqotay.

In aan xaalka aan maanta ku suganahay ka gudunbo oo aan asaaggeen la tartannaahi waxaa bilow u ah in fikirka aan dawladnimo ka qabno iyo fahamka aan nolosha ka haysano isbeddelaan.

Garaad qaangaar ah ayaa qaran dhisi.