Maxay QM ku sheegtay sanadkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh?

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa Arbacadii sheegay in sanadkii 2022 uu ahaa kii ugu dhimashada badnaa shacabka Soomaaliya tan iyo 2017, sababo la xiriira inay kordheen weerarada khasaraaha badan ee kooxda Al-Shabaab.

Sanadkii 2022, ayaa sidoo kale ahaa kii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna xilka hayey 8 bil iyo bar ka mid ah sanadka.

Soomaaliya, oo sidoo kale wajaheysa abaaro darran, ayaa la kulantay koror weeraro ayada oo ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Macawiisleyda ay qaadayaan dagaal “aan waxba loola harin” oo ka dhan ah Al-Shabaab.

“Weerarada sii socda ee Al-Shabaab, oo dhaliyey xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, rabshado galmo oo dagaalka la xiriira iyo kororka khasaaraha dhimasho ee shacabka, waa wax aad looga naxo,” ayuu Guterres ku yiri warbixin uu u gudbiyey Golaha Ammaanka QM.

Intii lagu guda jiray muddada dib u eegista lagu sameeyey, oo ah dabayaaqadii August 2022 illaa horraanta February 2023, Guterres ayaa sheegay in xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM uu diiwaan-geliyey in khasaaraha shacabka uu sare u kacay 153 boqolkiiba oo uu gaaray 1,059, oo ay ku jiraan 382 dhimasho, kuwaas oo badankood lagu eedeeyey Al-Shabaab.

“Kororka khasaaraha ayaa 2022 ka dhigaya kii ugu dhimashada badnaa shacabka Soomaaliya tan iyo 2017,” ayuu yiri Guterres.

Bilihii dhowaa, ciidamada Soomaaliya iyo maleeshiyada Macawiisleyda ayaa deegaano badan kula wareegay howlgallo ay taageerayaan duqeymaha Mareykanka.

Hase yeeshee kooxda Al-shabaab, oo muddo 15 sano la dagaalameysay dowladda federaalka, ayaa weli maamusha qeybo ka mid ah baadiyaha dalka, waxayna sii wadaan inay qaadaan weeraro aargudasho.

Weerarkii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii uu billowday howlgalka dowladda bartamihii sanadkii tegay, wuxuu ahaa mid ay kooxda ka fulisay aagga xarunta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ee Muqdisho bishii October, kaasi oo ay ku dhinteen 121 qof.

Hase yeeshee, Guterres ayaa ku booriyey mas’uuliyiinta Soomaaliya inay xaqiijiyaan in tallaabooyinka “ka-hortagga argagixisanimada” aysan ku xadgudbin xoriyadda hadalka, wuxuuna sheegay “inuu aad uga walaacsan yahay” xariga sharci-darrada ah ee suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta.

Waxa uu sheegay in dagaalka socda iyo amni-darrada ay guryahooda ka qaxiyeen 600,000 oo qof sanadkii tegay “ayna weli caqabad ku yihiin howlgallada bani’aadaminimo.”

Qiyaastii 1.3 milyan oo qof oo kale, oo 80 boqolkiiba ah haween iyo caruur, ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya, sababo la xiriira abaarta ku dhufatay Bariga Afrika.

Inkasta oo heerka macluusha aan weli la gaarin, haddana Guterres wuxuu sheegay in 8.3 milyan oo qof – oo ah kala bar shacabka Soomaaliya – ay sanadkan u baahnaan doonaan gargaar bani’aadaminimo.

Kadib shan sano oo roobabka aanay u da’in sidii loo baahnaa, abaarta ayaa noqotay tii ugu muddada dheereyd uguna darneyd ee taariikhda dhow ee Soomaaliya.

Guterres wuxuu sheegay in isu gaynta heerka dhimashada ay u badnaan karto si la mid ah macluushii ugu dambeysay Soomaaliya oo dhacday 2011, markaasi oo 260,000 oo qof – oo kala bar ay ahaayeen caruur da’doodu ka yar tahay da’da lix jirka – ay gaajo u dhinteen.

AFP, VOA