Maxay yihiin waxyaabaha ay dawladda iyo mucaaradka Puntland isku mari la’yihiin?

Waa run in madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland oo ka hirgeliyay Puntland nidaamka hal-qof hal-cod. Madaxweynaha ayaa u ololeeyay in nidaamkaas uu dhaqan gelin doono, waxaana dadka intiisa badan ay filayeen inuu howshaas uu dhameyn doono inta uu xilka hayo. 

Saddexdii degmo ee ugu horreeyay ayaa laga hirgeliyay doorashadaas, si guul ahna way ku dhamaatay. Dhammaan daneeyayaasha ayaa isku raacay habraaca doorashadaas. Sadexdaas degmo waxaa maamula kuwii ay shacabku doorteen. Dadka reer Puntland waxay filayeen in inta ka harsan degmooyinka kale la dhameystiro ka hor inta uusan dhammaan muddada xilka madaxweynaha, taasoo keeni doonta in xubnaha baarlamaanka iyo madaxweynaha ay soo doortaan shacabka. 

Rajadaas oo dhami waxay meesha ka baxday markii madaxweyne Deni uu bilaabay ololihiisa doorashada madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya. Madaxwaynuhu wuu isa soo sharaxay, doorashadiisuna kuma guulaysan. Madaxweyne Deni ayaa isku dayay in uu dib u bilaabo doorashada nidaamka hal qof iyo cod ah muddo kadib. 

Markan ayay kooxda mucaaridka ahi ku eedeeyeen madaxweynaha in aanu daacad ka ahayn in doorasho xalaal ah la qabto, madaxweynuhuna uu isku dayayo in uu habkii doorashada u maareeyo si aakhirka xisbigiisu uu gacanta sare u halo. Mucaaradku waxa kale oo ay ku andacoonayaan in sababta uu madaxweynuhu u doonayo in uu wax kaga bedelo hanaanka doorashada ay tahay in xisbigiisu aanu ku guulaysan doorashadii ka dhacday sadexdii degmo ee ugu horeeyay. 

Taasina waxay keentay in agaasimihii guddiga doorashada uu is casilo, sababo la xiriira faragelin ay dowladdu ku heysay hannaanka doorashada. Inta badan xisbiyada Puntland ayaa soo saaray bayaan ay ku dalbanayaan in madaxweyne Deni uu joojiyo hannaanka doorashada ilaa 13 qodob laga xalinayo si ay ugu qancaan, si hannaanka doorashada uu noqdo mid hufan. 

Dhawr toddobaad ka dib, 6 xisbi ayaa madaxweynaha kula  heshiiyey in la fuliyo 11 ka mid ah 13 kii qodob ee hore loo shaaciyey, labada arrimood ee kale ee la xidhiidha ama u baahan isbeddel dastuuri ah oo dib loo dhigay. Labada xisbi ee Mideeye iyo Horseed ayaa diiday in ay aqbalaan heshiiskaas iyaga oo 6-da xisbi ku eedeeyay in ay heshiis musuqmaasuq ah la galeen madaxweynaha. 

Madaxweyne Deni ayaa halkii uu isku dayi lahaa in uu la fariisto labadaas dhinac si loo helo heshiis ay dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay ku heshiis yahiin, waxa uu go’aansaday in uu horay u sii wado qabashada doorashada, waxaana uu ku eedeeyay labadaas xisbi kuwo doonaya in dib loogu laabto nidaamkii hore.

Hase-yeeshee, Mucaaradku waxa ay Madaxweynaha ku eedeeyeen in uu og yahay in doorashada hal qof iyo cod ahi aanay ku qabsoomi karin muddada kooban ee ka hadhay muddo-xileedkiisa, balse ujeeddada oo dhami ay tahay in la horgeeyo qorshaha Golaha Wakiillada kulangooda ee soo socda ee bisha June. taasoo uu madaxweynuhu ka codsan lahaa in loo kordhiyo muddo xileedka si loo dhamaystiro hawsha uu bilaabay. 

Kooxda mucaaradka ayaa sheegay in taasi aysan ahayn wax la aqbali karo. Qorshaha ayaa ahaa in magaalada Garoowe lagu qabto doorashada maalmo ka hor, mana aysan ku guuleysan, maadaama ay kasoo horjeesteen mucaaradka. Hadda doorashada ayaa loo wareejiyay magaalooyinka kale ee ku hareeraysan Garoowe. 

Waxaa muuqatay in howshan doorashada aan lagu sii waddi karin marxaladda hadda lagu jiro owgeed. Hannaanka doorashada oo aysan ku heshiin dhammaan dhinacyada ay khuseyso ma keeni doondo natiijo wanaagsan oo laga filan karo. Haddaba, waxa loo baahan yahay in dawladda iyo kooxaha mucaaridkuba ay maskaxdooda ka shaqaysiiyaan oo ay la yimaadaan nidaam doorasho oo qof kastaa dareemo in ay caddaalad tahay. 

Sida kaliya ee ay Puntland ugu guulaysatey in ay adeegsato nidaamkii hore ee mudada dheer soo jiray ayaa ah in nidaamkaas ay ku heshiiyeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso, waana sababta keentay in madaxweyne kastaa uu waqtigiisa dhameysto iyada oo aan la kala dhex gelin. Haddii Puntland ay ka guureyso nidaamkii hore oo ay u guureyso nidaamka cusub ee hal qof iyo cod, waa in la helaa nidaam ay dhammaan dhinacyada ay khuseyso ku heshiiyaan. 

Madaxweyne Deni wuxuu u baahan yahay  inuu la fariisto kooxaha mucaaradka ka hor inta uusan isku dayin inuu sii wado hannaanka hadda socda. Mucaaradku waa inay aqbalaan in la joogo waqtigii laga guuri lahaa nidaamkii hore loona gudbi lahaa nidaamka cusub. Waxaan aaminsanahay in labada kooxoodba aysan wax su’aal ah ka qabin nidaamka cusub, laakiin arrinta laysku haya waa maareynta habka doorasho. Nidaamku waa inuu noqdaa mid hufan. 

Madaxweyne Deni waa in uu caddeeyaa in ujeeddadiisu aysan ahayn muddo kororsi, balse ay tahay in la sii wado diiwaan gelinta ilaa inta uu ka dhammaanayo muddo xileedkiisa, isla markaana la qaban doono doorashada taas oo dhammaan dhinacyada ay khuseyso isku raaceen in lagu qabto waqtigii loogu talagalay. Waxaan hubaal ah in haddii uu madaxweynuhu intaas ku dhawaaqo in kooxda mucaaridku ay dib ugu soo noqon doono caqligooda si ay xukuumadda ula saxaan habka doorashada.

Qore: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein
Atlanta, Georgia, USA

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.