Maxkamadda Hargeysa oo xukun deg-deg ah ku riday Abwaan Cabdiraxmaan ABEES

Hargeysa (Caasimada Online) – Abwaan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Abees) oo shalay magaalada Hargeysa lagu xiray ayaa maanta waxay Maxkamadda Degmada Hargeysa ku riday xukun lama filaan ah.

Abwaan Abees ayey maxkamadda ku xukuntay sannad iyo lix bilood oo xarig ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah qoyskiisa.

Xukunkan ayaa ah mid deg-deg ah oo aan la filayn xilligaan, maadaama oo inta badan eedaysanayaasha ay dacwadoodu qaadato muddo, islamarkaana baaristu ay dheeraato.

Xariga Abwaan Abees ayaa saacadihii lasoo dhaafay hadal-hayn xooggan ka abuuray baraha bulshada, kadib markii uu warbaahinta kasoo muuqday aabihii oo ku eedeeyay in uu ku noqday waalid caaq.

Aabaha dhalay Abees ayaa markaas meesha ka saaray in xukuumaddu ay xarigiisa ka dambeyso, isagoo sheegay inuu isagu dalbaday in wiilkiisa la soo xiro si loo dhaqan-celiyo, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay xiratay xukuumadda Muuse Biixi.

Dhinaca kale, Hooyada dhashay abwaanka oo iyadna warbaahinta kasoo muuqatay ayaa beenisay eedaha uu aabihii abwaanka u jeediyay.

Waxay sheegtay in xukuumadda ay ka dambayso xariga wiilkeeda, laakiin aabihii ay usoo dhex-martay oo la rabo in la bahdilo abwaanka, oo mucaarad ku ah xukuumadda Muuse Biixi, si weyna u dhaliila.

Abees oo muddo dheer mucaarad ku ahaa xukuumadda Biixi, ayaa 2-dii bishaan soo bandhigay buug uu qoray oo la yiraahdo Mayal, kaasi oo uu ku dhaliilayo xukuumadda Somaliland iyo madaxweynaha uu waqtigiisu gabaabsiga yahay ee Muuse Biixi Cabdi.