Xog: Mucaaradka dowladda oo laba garab u kala jabay iyo arrimaha ay isku diidan yihiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxaa suurta-gal ah in markii ugu horreysay aanay mucaaradka isku weel noqonin oo aanay u midoobin dagaalka kursiga looga dajinayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 2004 marwalba waxaa jiray mucaarad isku mowqif ah, kulma oo ka doodda sida kooxda xukunka joogta loo bixin karo oo gunaanadkana codadka isku biiriya, si uu isbeddel u dhaco.

Laakiin doorashada nagu soo aadan hanaan midkii hore ka duwan oo mucaaradnimo ah ayaa la arki karaa. Durba laba daraf oo mucaarad ah oo isdiidan ayaa soo ifbaxay.

Dhinac waxaa taaga laba madaxweyne hore waa Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dhinaca kalena waxaa taagan ra’iisul wasaarayaashii hore Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid iyo siyaasiga mowqifkiisa guur-guurin Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sheekh Shariif wuxuu markii hore la bilaabay garabka Kheyre, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Laakiin tan iyo markii Farmaajo kula kulmay waddanka Turkiga oo ay soo baxday inay labada dhinac midoobeen, wuxuu Shariif ka xarig furtay garabkii hore wuxuuna ku weel noqday Farmaajo.

Waxaa la sheegay inuu labadii billood ee lasoo dhaafay dhowr jeer isku dayay inuu dhinacyada oo dhan isku biiriyo oo uu soo saaro mucaarad mideysan, laakiin sidan xogta ku helnay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyre ayaa diiday inay Farmaajo ku koox noqdaan.

Isku dayo uu Shariif Sheekh Axmed waday oo aheyd in mucaaradka dhamaan Xamar iskugu tagaan oo ay shir wada-jir ah qabtaan ayaan shaqeynin.

Marka laga hadlayo in Xasan Sheekh Xamar lagula dhigto, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyre waa jilaayal aan la’antood wax badan la nuuxin karin. Sababaha ay u diidan yihiin dhinaca kale in la isku biiro waxaa kamid ah;

1. Eeddaha Farmaajo oo weli ka badan kuwa Xasan Sheekh

Si umadda looga iibiyo qaladaadka madaxweyne Xasan Sheekh oo loola gar dhigo waa inay kooxda ka eeddo iyo qaladaad yar tahay Xasan Sheekh. Marka uu Farmaajo ku biiro kooxda micnaheedu waa inuu miiska fadhiyo nin boqol jeer ka badan Xasan Sheekh dhinaca gabood-falka dowladnimada.

Sidaas awgeed kooxda diidan in la isku biiro waxay aaminsan yihiin inay mucaaradnimadooda xalaal noqon karin haddii Farmaajo ku lamaanan yahay.

2. Cudur la’aanta Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo loo haysto muddo kororsi sharci darro ah, inuu dastuurkii dalka iska tuuray, inuu muwaadin Soomaali ah cadow u dhiibay, inuu Muqdisho dagaal geliyay, inuu isku dayay inuu dilo madaxweynayaal hore, inuu cuna-qabateeyay gobollada qaar, inuu argagixisada cayiliyay iyo dad nolol iyo geeriba lagu waayay muddo xileedkiisi ayaa weli cafis weydiisan umadda Soomaaliyeed.

Dhinaca diidan in la isku biiro waxay soo jeediyeen inuu Farmaajo umadda cafis weydiisto si looga fikiro in wada-jir Xasan Sheekh loo wajihi karo. Isaguna hadda taas diyaar uma ahan, oo waxaa la sheegay inuu rabo in isagoo eedahaasi loo haysto inuu markale xukunka u tartamo.

3. Fursadda xukunka

Dhinaca diidan isku biiridda waxaa la fahamsan yahay inay aaminsan yihiin in haddii ay madaxweynayaal hore wax ku darsadaan in laga qaadanayo hoggaaminta mucaaradnimada iyo fursadaha imaan kara.

Sidaas darteed waxaa muuqata inay tijaabinayaan inay gaar u dagaalaman.

Hoggaamiyaha maamulka Puntland ayaa sidoo kale noqon kara dheri kale oo gooni u shidan, maadaama uu leeyahay damac federaal ah.

Waxaana dadka siyaasadda Soomaaliya ka faallooda isweydiinayaan waxa Xasan Sheekh faa’iido ama khasaare ugu sugan mucaarad iyaguna is-diidan kadibna isaga diidan.