Biixi oo hanjabaaddii u dambeysay u diray SSC iyo PUNTLAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dagaalka looga adkaaday ee ka socda Laascaanood.

Muuse Biixi ayaa hanjabaad culus u diray SSC-KHAATUMO iyo sidoo kale maamul goboleedka Puntland, isaga oo ku tilmaamay inay yihiin cadowga Somaliland.

Sidoo kale wuxuu ku goodiyay in aysan aqbali doonin in taako kamid ah Somaliland lagu soo xadgudbo, isla-markaana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo soo tallaabta.

“Haddii ay la noqotay in ay fudutahay in Somaliland la weeraro, cadawga Somaliland waa in abaalkii laga waraabiyo, lana ogolaan in uu taako soo gudbo” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in aysan ogolaanayn in maamul gooni laga dhiso gobollada SSC, isaga oo sheegay in Somaliland xoog ku difaacayso saddexaas gobol.

Madaxweyne Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa weerar culus ku qaaday Puntland, isaga oo ku eedeeyay inay waddo dhul ballaarsi, ayada oo adeegsaneysa  hab qabiileysan.

“Waxan tusaale usoo qaadanaya maamulka Puntland, oo aad ugu fadalo dheer in uu dhul balaadhsi, uu Somaliland dhul kaga qaado hab qabiilaysan, in aad kaga qaadi karto iyo in kale waynu is huranahay” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Somaliland.

Waa markii labaad ee uu madal kasoo muuqday madaxweyne Muuse Biixi, tan iyo wixii ka dambeeyay 25-kii August oo ciidankiisa lagu jabiyay dagaalka Laascaanood.

Si kastaba, xaaladda ayaa maalmihii u dambeeyay daganeyd, inkastoo labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo is uruursi ciidan ka wadaan qaybo kamid ah gobolka Sool.