MUUSE BIIXI oo la yimid qiil ay caalamka ‘ku taageeri karaan’ heshiiska Itoobiya

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in heshiiska ay saldhig ciidan badeed ku siinayaan Itoobiya uu xaqiijin doono amniga Badda Cas iyo “isu socodka maraakiibta si xor ah.” 

Muuse Biixi ayaa wareysi uu siiyey wargeyska Financial Times ku sheegay in heshiiska Itoobiya uu “Somaliland u ogolaan doono inay taageerto dadaallada caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo isu socodka xorta ah ee maraakiibta ee Gacanka Cadan iyo Badda Cas”, halkaasi oo dhowaanahan ay kooxda Xuutiyiinta weeraro ku qaadayeen maraakiibta. 

Waxa uu sheegay in naqshadda dhulka Itoobiya laga siinayo aagga Berbera ay ku jiraan dekad iyo saldhig ciidan oo ka hortagi doona halisaha badda, sida uu hadalka u dhigay. 

“Itoobiya waxay dhisan doontaa saldhig ciidan oo badda ah waxayna yeelan doontaa maraakiib ganacsi, beddelkeedana Itoobiya waxay na siin doontaa aqoonsi – taasi waa aas-aaska,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Hadalka Muuse Biixi ayaa loo arkaa mid uu taageero uga raadinayo dalalka Reer Galbeedka oo heshiiskan diiday. 

Muuse Biixi waxa kale oo uu sheegay in heshiiskani uu yahay tallaabo muhiim ah oo uu ku xaqiijinayo riyada qarankiisa iskiis isku magacaabay ee ah madax-bannaani buuxda.

“Heshiiska taariikhiga ah ee is-afgaradka ah ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya waxa uu ina siin doonaa dariiq cad oo loo maro aqoonsiga caalamiga ah,” ayuu yiri isaga oo ku sugan Hargeysa. 

Itoobiya ayaa raadinaysay inay hesho bad tan iyo 1993-kii markii ay ka go’day Eritrea, taasi oo ka dhigtay dal aan bad lahayn.

Waxay u aragtaa heshiiska Somaliland inuu yahay mid lagu dhimi karo ku tiirsanaanta Jabuuti ee dhinaca badda, inkastoo Mareykanka, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Masar – oo ay ku muransan yihiin Itoobiya biyo xireenka Niilka Buluugga ah – ay ka digeen qorshahan inuu sii huriyo colaadda gobolka.

Sarkaal sare oo Itoobiyaan oo ku lug lahaa wada-hadallada Somaliland ayaa sheegay inuu “ku rajo weyn yahay” in heshiis kama dambeys ah uu hirgalo, isagoo intaas ku daray: “Waa arrin siyaasad dhab ah oo lama huraan ah.”  

Omar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo Bariga Afrika u qaabilsan hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee Crisis Group, ayaa sheegay in, in kasta oo heshiiska uu la kulmay “diidmo xooggan”, haddana Itoobiya aysan doonayn in ay “si buuxda uga tanaasusho”. 

Heshiiska ayaa waxaa si xooggan uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya oo xiriirkii diblomaasi u jartay Itoobiya, ayada oo dalka ka cayrisay safiirkii Addis-Ababa u fadhiyey Muqdisho.  

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay inay dagaal ka xigaan in heshiiskan la dhaqan-geliyo.