Muuse Biixi oo si yaab leh barlamaanka uga hor difaacay heshiiska Itoobiya ee badda

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad sanadeedka dastuuriga ka horjeediyay golaha baarlamaanka ayaa si yaab leh u difaacay heshiiskii Itoobiya ee badda.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay in is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland dhex-maray 1-dii Janaayo ee sanadkaan ay sal u tahay “sinnaan laba dal oo midna aqoonsi helaayo, midna saldhig ciidan baddeed oo kiro ah helaayo.”

“Nuxurka wax-wada-qabsigu waa horumarinta ganacsiga, iyada oo dekedda Berbera u adeegi doonta dadka iyo dalka Itoobiya. Itoobiya waa ta ugu dadka badan dalalka aan badda lahayn ee adduunka. Sidoo kale, waa dalka 7-aad ee ugu dhulka weyn dhammaan dalalka aan badda lahayn ee adduunka,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa ku dooday in dowladda dhexe ee Muqdisho ay hagratay aqoonsiga Somaliland, sidaas darteed ay dalalka deriska oo Itoobiya ugu horreyso u raadsadeen wixii ay ka waayeen Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa noo cadaatay in dowladda Xamar ka dhisani ay iska idho-tirayso in aanu nahay laba dal oo siman oo ku midoobay 1960-kii raadinta 5-tii Soomaaliyeed. Mar haddii ay xaqiiqadii diidan tahay Soomaaliya waxa hubaal ah in aanay faa’iido yeelanayn shirar dambe oo aanu iskugu nimaadnaa,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Sidaa darteed, waxaannu ka tashannay danta Somaliland, waxa lagama-maarmaan noqotay in la-raaco halka ay ku jirto danta Somaliland. Danta Somaliland waxay ku jirtaa dowlad kasta oo ka garaabaysa qaranimada Somaliland iyo madax-bannaanideeda.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dal kasta oo ogol in Somaliland si siman wax u wada qabsadaan ay diyaar ula tahay saaxiibtinimo ku fadhida is-ixtiraam iyo is-qadarin.

“Halkaa (heshiiska Addis Ababa) waxa ka cad in labada dal ay is-weydaarsadeen danno waaweyn oo midna helayso aqoonsi caalami ah, midna helayso saldhig ciidan badeed iyo adeegga dekedda Berbera oo ah mid la isku hallayn karo,” ayuu Muuse Biixi ku yiri khudbadda uu maanta kahor jeediyay golaha baarlamaanka.

Hadalkaan ayaa imanaya xilli ay Somaliland sheegtay in laba bil gudahood lagu soo gaba-gabeynayo dhameystirka heshiiskan, halka xukuumadda Abiy ay muujinayso taasi bedelkeed kadib cadaadis diblumaasiyadeed oo ay wajaheyso.

Si kastaba, heshiiska is-afgaradka oo ay Janaayo 1, 2024 kala saxiixdeen ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa dhaliyay dood weyn oo heer gobol iyo mid caalami ah, kadib markii ay si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.