Muxuu Shariif ka yiri ansixinta wax ka beddelka dastuurka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay wixii maanta ka dhacay kulankii labada Aqal ee Baarlamaanka, kaasi oo lagu ansixiyay habraaca wax ka beddelka dastuurka.

Shariif ayaa sheegay in tallaabadii uu qaaday guddoonka Baarlamaanka aysan ahayn hab dhaqan u qalama BFS iyo shacabka Soomaliyeed, sidaas darteedna ay tahay mid dhaawacaysa sarraynta sharciga, midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka, xilli loogu baahi badan yahay.

“Waxaan cambaaraynayaa habka gurracan ee loo agaasimay kulankii maanta ee Baarlamaanka iyo go’aankii loo gaaray habka khilaafsan xeerarka dalka iyadoo aan waxba la xeerin,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray “Marxaladda lugu jiro darteed madaxda qaranka waxaa waajib ku ah in ay raacaan sharciga kana fogaadaan wax kasta oo baal marsan sharciga.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Bismillahi,

Dustuurku, waa sharciga ugu sarreeya dalka, waxa uu quseeyaa cid kasta, hab raaciisuna waxa uu leeyahay muhiimad aad u wayn, ku dhaqan iyo ixtiraamna waxa uu ku mutaystaa habka loo sameeyo.

Waxaa wax aad looga xumaado ah wixi ka dhacay maanta kulankii labada aqal ee Baarlamaanka, ma ahayn hab dhaqan u qalama BFS iyo shacabka Soomaliyeed.

Waxaan cambaaraynayaa habka gurracan ee loo agaasimay kulankii maanta ee Baarlamaanka iyo go’aankii loo gaaray habka khilaafsan xeerarka dalka iyadoo aan waxba la xeerin.

Waxaan la soconnaa in muddo ah in laga codsanayay Guddoonka labada Gole in la sameeyo Xeer-hoosaadkii kulamada wada jirka ah ee ay ku wada shaqeyn lahaayeen labada gole ee Baarlamaanka JFS sida uu dhigayo qodobka 62aad ee Dastuurka KMG ah, faqradiisa 2aad balse uu ka dhaga adeegay guddoonku.

Xeer-hoosaadyada labada Aqal xeer in la ansixiyo wuxuu u dajiyay hab loo maro, marka uu marayo marxaladda ansixinta, waa in xildhibaannada loo qaybiyo inta aan la ansixin ka hor maalmo, si ay ugu soo baaraan degaan, sidaa daraadeed waa sharci darro dhaawacaysa sarraynta shaciga, midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka xilli loogu baahi badanyahay in habraac aan golaha laga qaybin Akhrintiisii labaad kadib la yiraahdo waa la ansixiyay.

Marxaldda lugu jiro darteed madaxda qaranka waxaa waajib ku ah in ay raacaan sharciga kana fogaadaan wax kasta oo baal marsan sharciga.