Nidaam dowladeed cajiib ah oo aan ku soo arkay siyaarada Macallin Nuur

Muddo lix maalmood ay ayaan u kuur galey siyaaro ka socotey Masjidka Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo ku yaallo Degmada Hodan gaar ahaan xaafadda Siigaale. Waxaan soo arkey maamul dhisan oo kala dambeyn leh, Maamulkaas oo aan ku shaqeyneyn wax mushaar ah.

Wexey leeyihiin darajooyin loogu magac darey ‘Khaliif” oo si simman u wada shaqeynayo. Waxaa intaa dheer agaasimayaal ku qanacsan hawsha ay hayaan. Waxaan Goobta ay ka socotey siyaarada kula kulmey qaar ka mid ah Khaliifiinta iyo Agaasimayaasha, Sida Warfaafinta, Waxbarashada Gudaha, Waxbarashada Dibadda, Amniga, Madaxa Agoonta, Madaxa Machad ku yaalo Masjidka qeyb ka mid ah, Madaxa Korontada iyo Qeybo fara badan oo la soo koobi Karin, Sida baratakolka iyo Camero Man  oo dhamaantood ku faraxsan hawsha ay hayaan ee Mushaar la’aanta ah, balse wexey ii sheegeen in maalin aan manta ahayn oo Allaah la hor taagan yahay ay qaadan doonaan Abaal marino aan la koobi Karin.

Waxaan uga sii gudbey Qeybta Cunto karinta oo uu ka jirey Mashquul fara badan, bacdamaa ay diyaarinayeen Cunto aan la soo koobi Karin noocyada ay ka koobneyd, Seddex neef oo geel ah iyo illaa labaatan loor oo bariis ah kama yareyn cuntada ay maalin walbo diyaariyaan, waxaanse la yaabey Cambuulo dufan looga dhigayo malab iyo subag kkk. Maamulaha kushiinka oo aan la sheekeystey wuxuu ii sheegey in London uu ka yimid Siyaarada daraadeed, Cunto kariyayaasha digsiga dul fadhiyo waa Qurbo joog ka kala yimid wadamo ay ka mid yihiin Australia, Koonfur Afrika iyo wadamo kale oo dalka dibadiisa ah, wexeyna ii sheegeen in ay ahaan jireen Ardaydii Macalin Nuur.

Masjidka oo ka kooban qeybo fara badan ayaa leh Hoolal fara badan balse mid ka mid ah uu u gaar yahay Dumarka, dhamaantoodna waxaa lagu cunayey cunto la iigu sheegey in ay sadaqo tahay, Muddo bil ahna ay socon doonto marka laga reebo cunto iyo waxbarasho joogto ah oo Agoonta degan guryaha masjidka la siiyo

Mas’uulka ugu sarreeyo ayaa la iigu sheegey in la yiraahdo Cabduqaadir Macalin Nuur balse loogu yeero magaca “KHALIIF”. Waxaan isku dayey in aan la kulmo mas’uulkaas oo aan aaminsanaa in ay igu adkaan doonto aragtidiisa, sida aan uga baraney mas’uuliyiinta dowladeena, balse si dhib yar ayaan kula kulmey, maadaama uu ahaa mid hawsha ka qeyb ah. Xiligaas aan ka kulmayey iyo mar walbo waxaa garbaha ka socdo laba qof oo dambiilo lacag ku wado, qof walbo ay dhibaato ka muuqatana lacag ayaa la siinayey. Xiligaas aan la kulmayey wuxuu caawimaad siinayey Ardey jaamacadaha dhigto oo lagu yeeshey lacagtii jaamacadaha.

Run ahaantii markaan arkey sida xornimada iyo cabsi al’aanta ee uu u dhex socdo shacabka ka soo qeyb galey Siyaarada isagoo isku dayayo in uu qof walbo qanciyo waxaa ii soo baxdey in lagu aamini karo masiirka dalkeena ay dhibta ku habsatey. Waxaa kaloo aan xaqiijiyey  baarlamaanka laga soo doortey Ninkan  in uusan ahayn baarlamaanadii aan naqaaney, saldanadana uu rabbi baxsho. Guntii iyo Gabagabadii xalka aan ka raadineyno maamul goboleedyada yaan la isku mashquulin ee xalka ha laga raadiyo Culimada Soomaaliyeed.

W/Q: ABDULAHI SAID ELMI