Oomaar: Axmed Madoobe wuxuu ninkii GEDO tago ka dhigay nin Israel tegay + Video

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa ka hadlay arrimaha Jubbaland, isagoo eedeymo culus u jeediyey madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe.

Oomaar ayaa sheegay in Jubbaland ay haysato nasiib darro weyn, sida uu hadalka u dhigay, isagoo Madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeeyey caburin aan caadi aheyn oo maamulkiisu uu ku hayo bulshada.

“Anaga mucaarad kuma nihin Jubbaland, laakiin waxaa mucaarad ah ninka dadkii u dhashay deegaanka soo tarxiilaya, wuxuu doonayaa inuu burburiyo Jubbaland, qad cagaaran ayuu qabaa’ilkii dhex dhigay, ninkii Gedo tagaa wuxuu ula mid yahay nin tegay Israa’iil,” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Wuxuu sheegay in Kismaayo ay ka jirto amni darro baahsan, isagoo tusaale u soo qaatay dadkii lagu dilay magaaladaas, sidoo kale wuxuu sheegay in qofkii ay Shabaab ku dilaan Kismaayo aan tacsi loo dhigi karin, iyadoo dadka loo sheego in tacsidu ay buun-buunin u tahay guusha cadowga, sida uu sheegay Oomaar.

“Waxaan rabnaa in doorasho xor ah lagu qabto Kismaayo, taas oo waqtigeeda la qabto, dadka reer Jubbaland ee kala xirmay ayaa matrkaas fursad u heli doona inay wada noolaadaan,” ayuu yiri.

Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Cabdullahi Oomaar ayaa ka sheekeeyey dhibaatooyin uu kala kulmay Axmed Madoobe intii ay doorashooyinku socdeen, isagoo sheegay in loo diiday magaaladii uu ku dhashay ee Kismaayo inuu tago.

Wuxuu fariin u diray madaxweynaha iyo r/wasaaraha, isagoo yiri, “Waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha inay Jubbaland ka qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda.”

Wasiir Oomaar oo saaxiib dhow la ahaa Farmaajo, xiligii uu Axmed Madoobe ka hor istaagay kursigii uu doonayey inuu Kismaayo ka soo qaato ayaa hadalkaan ka jeediyey kulan lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Hoos ka daawo