Puntland iyo gooni u dhaqan siyaasadeed: Afar arrin oo wiiqaya dhawaaqii Isniinta

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Isniintii sii daayay farriin u muuqatay in uu kab u raadinayo qorshihiisa dib u doorashada.

Farriintan oo hoos u dhigeysa cilaaqaadka, wada-shaqeynta, hoos-jooga iyo wax walba oo Puntland la leedahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku soo aaday Afar sanno guurada muddo xileedka Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo ka fikiraya in uu markale kusoo laabto xafiiska.

Reer Puntland oo aanay dood badan ku jirin inay gundhig iyo tiir u yihiin nidaamka federaalka ee Soomaaliya, waxay dhinaca kale shacabkeeda fahamsan yihiin waxay shaqsiyan Saciid Deni iyo Xasan Sheekh isku hayay afartii sanno ee lasoo dhaafay iyo waxa hadda kala waday.

Majirto diidmo, naceyb iyo dood banaanka taalla oo u dhaxeysa labada nidaam ee federaalka iyo Puntland ama xitaa labada Dastuur, laakiin si aan qarsooneyn ayaa loola socda xaalka Saciid Deni iyo Xasan Sheekh, tii oo ay tahay caado soo jireen ah rafashada hogaamiye walba oo muddo xileedkiisu dhamaad yahay.

Warbixintan waxaa dib ugu eegayna inta jeer ee 10-kii sanno ee lasoo dhaafay madaxda Puntland ay ku dhawaaqeen inay jareen xiriirkii dowladda dhexe, taas oo u dhigan gooni u dhaqan siyaasadeed.

Bishii August 2013: Nidaamkii Puntland ee uu hormuudka u ahaa Cabdiraxmaan Faroole wuxuu sheegay inay xiriirka u jareen dowladda federaalka, waxay sabab uga dhigeen arrimo Dastuur.

Bishii July 2014: Puntland waxay ku dhawaaqday inay joojisay wada-shaqeyntii iyo cilaaqaadkii dowladda federaalka. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xiligaas si aan qarsooneyn u diiday dhismaha maamulka Galmudug ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inay joojiyeen wada-shaqeyntii Muqdisho, maadama uu sharci darro u arkayay dhismaha maamulka Galmudug oo xiligaas ay go’aamisay dowladdii federaalka.

Bishii May 2019: Saciid Cabdullaahi Deni iyo maamulkiisa ayaa xiriirka u jaray dowladdii madaxweyne Farmaajo. Isniintii waa markii afaraad oo ay madaxda maamulka Puntland ku dhawaaqan wax u eeg “doonista kali noqosho ama u noolaanshaha si ka madax banaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.”

Haddaba, dadku waxay isweydiinayaan sababta aanay dhamaan arrimahaas u shaqeynin middaan cusubna ay culeys badan u laheyn;

1. Puntland ma aadi karto gooni isku taag ama inay u noolaato si ka madax-banaan dowladda federaalka: Waxaa tusaale ugu filan maamulka Somaliland oo ka dimuqraadiyeysan siyaasad ahaan, kana xasiloon amni ahaan haddana waayay cid 30 sanno albaabka ka furta mashruucooda gooni isku taagga.

2. Dagaal siyaasadeedka Puntland oo sii socon waaya marwalba: Inta badan madaxda Puntland ee abuura mowjadaha dagaal ee dowladda dhexe waxba uma shaqeeeyaan, sababta oo ah Muqdisho lama goos-goosato maamulada, wax walba oo aan helin jawaab ama falcelin siima socon karaan.

3. Maamulada kale oo marnaba garab istaagin Puntland: Inta badan tallaabooyinka halka nooc ah ee Puntland ma helaan taageero ka timaada maamul goboleedyada kale, sababta oo ah waxa loo arka in maamulada kale doodaha Puntland u arkaan sad-bursi.

4. Shacabka Puntland: Inta badan go’aamada noocaan ah ee kasoo baxa madaxda Puntland ma helaan taageero shacab, sababta aanay shacabka u dhiira-gelin tallaabooyinka noocaan ah waa inay u arkaan dano siyaasadeed oo gaar ah oo uu leeyahay qofka markaas xukunka haysta.

Qoddobadaan, dhacdooyinka halka nooca ah iyo naatiijooyinka hore loo soo arkay ayaa si weyn hoos ugu dhigaya farriinta Saciid Cabdullaahi Deni ka timid maalintii Isniintii.