PUNTLAND ma xeeladdii siyaasada ayey ka arradantay mise awood siyaasadeed ayey is bidday? (Faallo)

Caasimada Online">By Nasrudin Mohamed Ahmed

Dalka Soomaaliyeed wuxuu ku jiraa xilli doorasho, waana xilligii loogu baahida badnaa in olole doorasho ay galaan dhamaan dadka siyaasadda Soomaaliya daneeya gudo iyo dibedba, si ay kursiga ugu sarreeya waddanka u hantaan, ama madax ay gaashaanbuur la yihiin dabada ka riixaan.

Sharci doorasho ayaa uu qalinka ku duugay Madaxweyne Farmaajo 21kii February 2020 kadib markii ay labada aqal ee Baarlamaanka iyo Aqalka Sare ansixiyeen gorfayn iyo falanqayn dheer kadib. Waxaa xusid  mudan in sharcigan doorashada ee ugu dambayn la ansixiyey uu soo maray heerar kala duduwan tan iyo markii uu ka soo gudbay Golaha Wasiirrada Dawladda Federaalka bishii May 2019kii.

Maamulka Puntland waqti badanba kama qaadan in ay war-saxaafadeed ka soo saaraan sharcigaa doorashada durbadiiba markii ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada. War-saxaafadeedkan ayaa ay Puntland ku sheegtay in madaxda Dawladda Federaalka isku kali yeelayso talada iyo go’aannada masiiriga ah ee dalka sida sharciga doorashada oo ay sheegtay in uusan ku iman wada tashi. War saxaafadeedkaa wuxuu ku taariikhaysnaa 02 May 2019.

Puntland ayaa mar labaad ku tilmaamtay sharciga doorashooyinka mid aan waxba ka quseyn maamulkeeda bishii December 2019 maadaama aan laga talo gelinin, wuxuuna bayaankaasi ku soo beegmay waqtigii ay Golaha Shacabku ka doodayeen hindisaha doorashooyinka.

Puntland diidmadeedii isdaba joogga ahaa waxa ay u turjuntay ficil kadib markii ay gebi ahaanba albaabada u laabtay xafiiskii guddiga doorashooyinka dalka Soomaaliyeed ee ku yaallay Garoowe 06 February 2020 ayada oo uu sharciga hor yaallo Aqalka Sare. Qaar ka mid ah mudanayaasha ku metela Puntland Aqalka Sare ayaa ka hor yimi ansixinta sharciga ka hor inta aanan aqlabiyad lagu meel marin. Haddaba, miyaan la oran karin Puntland waxa ay marki horeba iska diiddanayd doorasho toos ah maadaama ilaa 2019 ay ka soo horjeedday hindisayaashii doorasho ka hor inta aysan ku marmarsoon koobnaanta waqtiga?

Waxaa habboon in la tilmaamo in Aqalka Sare uu metelo Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, wixi ay ansixiyaanna ay ku gawracan yihiin Dawlad Goboleedyada. Laakiin, maamullada Puntalnd iyo Jubaland ayaa mar walba ku gacan seyra sharciyada iyo siyaasadaha ay meel mariyaan Aqalka Sare sida sharciga doorashada oo ay ka soo horjeesteen ilaa haddana ay diiddan yihiin. Su’aasha ay dad badani iswaydiinayaan ayaa ah; waa maxay haddaba shaqada Aqalka Sare iyo mas’uuliyadda saaran mar haddii ayba maamullada qaar sida Puntland iyo Jubaland aysan aaminsaneen jiritaankiisa? War celinta waydiintaa akhristaha ayaan u daynayaa.

Puntland ayaa diidday ka qayb galka shirka Dhuusomareeb wareegiisa seddexaad ayada oo shuruudo dhawr ah ku xirtay ka qayb-galka shirka. Shuruudaha waxaa ka mid ahaa in ay goobjoog ka ahaadaan wada-hadallada Beesha Caalamka si ay damiin u noqdaan. Hagaag, maba xuma in Beesha Caalamku goobjoog ka ahaato shirka lagaga tashanayo doorashooyinka dalka ku soo wajahan  laakiin niyad wanaag ma ka tahay Puntland dalbashada Beesha Caalamka?

Beesha Caalamku sida dusha ka muuqata way daneeyaan siyaasadda Soomaaliya oo waxa ay hiil iyo hooba la daba taagan yihiin Soomaaliya sidi ay u heli lahayd dawlad cagaheeda mar labaad ku istaagta. Lama inkiri karo deeqaha lacageed ee ay bixiyaan taas oo laf dhabar u ah geeddi socodka iyo hannaanka dawladnimo ee Soomaaliya waqtigan la joogo. Waxaa xataa laga sugayaa maalgalinta doorashooyinka soo socda oo gaaraysa ilaa 70 milyan oo doollar.

Ayaga oo sidaa loo ogsoon yahay ayaa Jubaland doorasho boob ah oo ay Beesha Caalamka ka digtay kana hor timi qabsatay, Puntland-na ku taageertay. Ilaa waqti dambe, Beesha Caalamku way ka xishoonayeen xataa in ay ugu yeeraan Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland. Puntland waxa ay dadaal ku bixisay sidi loo aqoonsan lahaa Axmed Madoobe shirar badanna la gashay Beesha Caalamka oo danta Jubaland ka hor marisay danta Puntland. Sow lama oran karo Puntland way iska dhaga tirtay digniinihii Beesha Caalamka ee ku aaddanaa doorashooyinki Jubaland August 2019? Maxaase hadda isbaddalay?

Puntland haddii ay dhab ka tahay u dhaga-nuglaanta Beesha Caalamka, miyeysan yeesheen sharciga doorashada tooska ah ee ay taageereen Beesha Caalamka, mar walbana ku celceliyaan muhimmada ay leedahay in doorasho toos ah Soomaaliya ka dhacdo oo aan loo noqon marnaba doorasho dadban? Mise Beesha Caalamka waa kaar ay Puntland is leedahay ku cadaadi Dawladda Federaalka oo inta badan aan jecleyn in Soomaali shisheeye soo kala dhex galo?

Haddii looba yeelo Puntland dalabka ah in Beesha Caalamka goob-joog ka ahaadaan wada hadallada looga tashanayo dooraashooyinka dalka, aqlabiyaddna la isku garto in doorasho toos ah waddanka ka dhacdo, waqti farsamo ah oo 13 bilood gudaheedna lagu heshiiyo in la dhaqan galiyo sharcigaa, muxuu noqon doonaa mawqifka Puntland?

Dadka qaar baa is waydiiya Puntland ma siyaasaddi Soomaliya ayaa ay ku hafatay oo meel ay u raacdo ayaa ay wayday iyo xulufo ay ku xirato aan ka ahayn maamulka Jubaland oo ayaduba ku meel gaar ah, mise awood siyaasadeed oo dadka ka qarsoon bay leedahay?

Waa dhab in ay dhaqaale ahaan la oran karo Puntland iyo Jubaland ilaa xad way isku filnaan karaan marki la eego labada dekedood ee ummadda Soomaaliyeed ka dhaxaysay aya ay heystaan oo ay Soomaalida kale waxba ka soo gaarin, balse iskaba daaye haddana doonayaa canshuurta laga qaado islaanta yaanyada ku iibisa Xamar in wax laga soo gaarsiiyo. Laakiin dhinaca kale marka aad ka eegto, waxaad u malaysaa in aysan Puntland ku baraarugsanayn in maamullo kale oo awood siyaasadeed leh ay ku soo biireen isle’egta siyaasadeed ee Soomaaliya, masiirka ummadda Soomaaliyeedna ku leh qayb libaax. 5 dawlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir waxa ay noqonaysaa in ay codeeyaan, aqlabiyaddana la raaco. Mise Puntland maba aaminsana in Hirshabeellle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed yihiin maamullo jira oo codka Puntland oo kale leh?

Waxaa hubaal ah in Puntland, sida looga bartay, waxa ay diiddo dib ka ogolaato, waxaana ku raja waynahay in sharciga doorashada tooska ah la meel marin doono ama si wada jir ah oo aqlabiyad leh loogu heshiin doono nidaam doorasho oo aan farxad gelin Puntland waayo mar haddii aadba hal maamul ka tahay 6 maamul Goboleed, xeeladdi siyaasadeed ee aad ra’yigaaga ku gadi lahaydna aadan lahayn, waa dadkaada dhinac ka raac.

Puntland oo u adeegaysa danaha shisheeyaha Soomaaliya lug-gooyada ku haya ilaa hadda way ku guuleeysatay in ay hakad galiso wada hadallada tooska ee Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada, balse uma eka wax sii socon doona waayo danaha qaranka Soomaaliyeed ayaa mar walba ka adkaan doona loolanka kala dhexeeya danaha shisheeye oo ay ummadda Soomaaliyeed ka daaleen.

Nasrudin Mohamed Ahmed – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: ahmedfiqi2018@gmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid