‘Puntland oo laga takooray awood-qaybsigii qaranka’

Waxaa asbuucaan qabsaday baraha bulshada qaylo dhaan ka imaanaysa dad ka soo jeedda Puntland kuna saabsan mawaadaniin shaqada Federaalka looga eryay ama laga hor istaaagay waxay ka soo jeeddan gobollada loo yaqaan Puntland. Waxaa dagaalka beegsida dadka Puntland ee u shaqeeya biloowday 2012 markii maaamulkii Xasan Sheikh shaqada ka wada eryey diblomaasiyiin labatan iyo dhowr ah asaga oo adeegsanaya wasiirkii arrimaha dibedda ee wakhtigaas  Fawsiya Xaaji Aadan iyo canaasiir kale ee ka shaqaynaysay wakhtigaas wasaaaradda arrimaha dibedda.

Markii qoonka la baxay nabad iyo nolol (oon weli la hayn) timid waxaa ayana soo ifbaxay isir nacayb ku aaddan dadka gobolladaas ka soo jeedda ee u shaqeeya dawladda dhexe. Waxaa jiray shakhsiyaad kooban ee madax ka ahaa xafiisyada dalwladda federaalka. Waxaa dhacday in mid-mid loo baddalayey labadii sano ee la soo dhaafay, ayadoo aysan muuqan sabab aan ahayn in ay halkaas ka soo jeedaan.

Waxaa bishaan aan ku jirno dhacday tii ugu dambaysay markii shaqadii guddoomiyaha bangiga dhexe laga fariisiyey Mudane Bashiir Ciise. Waxaa booskaas fadhiyey oday ka soo jeeda Puntland, wuxuuna ka mid ahaa shanta kaabe  dhaqaale ee lagu qaybsan jiray 4.5. Afarta kale ee jago waxaa mid kasta lagu beddelay qof ka soo jeeda beeshii qofkii ka dagay, ayadoo meelaha qaar ay min labo jeer dhacday in hal beel ay hal boos isku beddesho. Booskii uu hayay ninka Puntland ka soo jeeda waxaa Xasan Khayre iyo Faramaajo isla garteen in loo tartamo, waayo ma jirto cadaadis siyaasadeed ee ka imaan kara gobollada Puntland.

Ugu dambayn Somaali waa wada ogtahay in booskaas loo qoondeeyey gaal dano gaar ah laga leeyahay, in kastoo tartan la geliyey 146 qof oo Soomaali u badan. Nasiib wanaag markii shiddo ka dhacday magacaabiistii gaalka ayaa maamulka xasarad raadsiga badan ee Kheyre-Faramaajo uu goostay in booskaas la dhaafiyo tartamihii  tartanka  ku soo baxay, Xuseen khalif X. Jamac, Puntland u dhashay. Waxaana lagu magacaabay nin aan tartanka ku jirin ee shaqaale/saxiib dhow la ahaa Kheyre, aanna abadkiis ka shaqayn bangi, xawaalad mooyee, meesha Xuseen Khaliff lahaa khibrad bangi oo kor u dhaafsan 25 sano, oo weliba caalami ah. Waxaa isku beel maray saddex ka mid kaabayaasha qaranka.

Ka dar oo dibi dhal, waxaa ka dambaysay in Sonkor Jamac Geyre oo ahaa Xoghayaya Joogtada ee Wasaardda Gaashaandhigga laga qaaday shaqadii uu hayey ayado oo qof kale si ku meel gaar ah loogu sii dhiibay. Beddelka Sonkor waxaa lagu sababeeyey fashalka ciidan ee wasaardda ka dhacay. Wasaaradda waxaa la ogyahya inay joogaan madax badan oo ciidan sida taliye ciidan, abbaanduul ciidan, wasiir, wasiir xigeen, wasiir dowle, maxaa fashalka iyo buuqa ka taagan Sonkor u noqday kan leh eeddeeda.

Uguma horrayn in dadka gobolladaas ka soo jeeda in xukuumad toos u abbaarto ayado oo loo geysananyo hagardaamo shaqaale, mid siyaasadeed iyo xitaa gaboodfallo kale. Waxay ahayd dawladdii Maxamad Siyaad markii 70aadkii iyo 80aadkii ay si waxashnimo ay ula dirirtay gobollada Puntland hadda loo yaqaan qaar. Waa la yaab ah in maanta rijiimka Faamaajo uu hadda soo bandhigo xumaan iyo dagaal ka dhan ah beelaha dalka qaar. Weliba waxaa la yaab leh ayadoo oo Faramaajo si aan caadi ahayn labo jeer loogu soo dhaweeyey gobollada Puntland.

Madaxda aan aqoon taariikhda wixii ka soo dhacay Soomaaliya ee wadda isir fiirsiga ka sokoow eedda kor ku xusan waxaa leh xildhibaannada ka soo jeedda Puntland oo ku mashquulsan dano gaar ah, hanti aruursi, ku milan madaxdii loo diray inay la xisaabtamaan, iyo kala fandhicil beelaha Puntland ee ay masalaan. Sidoo kale wasiirrada ka soo jeedda gobolladaas ood mooddid inay heleen canbar ay ku dhaggan yihiin, ayaga oo aqbala bahdilo joogto ah. Waa mid taariikhdu qori doonto oo qof walbana berri lagala xisaabtami doono, markuu suuqa ku soo dhaco sannad iyo bilo ka dib. Sidoo kale waxaa asna dhaleecayn leh  maamulka Puntland oo qaatay mawqif aamusanaan ah oo loo arko ogolaanshaha gaboodfalka dawladda federaalka ku waddo beelaha Puntland.

W/Q: Cabdi Jaamac Raage

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid