Puntland oo go’aan ka soo saartay shirka 15-ka Febraayo iyo doorashada

Garoowe (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo maanta shir yeeshay, kaasi oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Puntland, Saciid Deni ayaa waxa looga hadlay Muranka doorashooyinka dalka iyo xaalada guud ee amaanka Puntland.

Shirkan oo si gaar ah diirada loogu saaray is-mari-waaga doorashada iyo shirarkii u dambeeyay ee madaxweyne Deni la qaatay madaxda dalka ayaa waxa lagu sheegay in dowladda goboleedka Puntland ay dadaal badan gelisay xal u helida caqabadaha ku gadaaman doorashada.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, Jaamac Dabaraani oo warbaahinta la hadlay kulankaasi kadib ayaa sheegay in Puntland ay marwalba diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato xal u helida hanaanka doorashada, isagoona xusay in maamulkooda uu daneynayo in si dhakhso ah shir isugu yimaadaan saamileyda Siyaasada.

Waxa uu sheegay in Shirka Golaha Wasiirada uu sii adkeynayo soo jeedintii maamulka, taasi oo aheyd in shirka uu iclaamiyay madaxweyne waqtigu ka dhamaaday in lagu qabto magaalada Muqdisho, si ay uga soo qeyb-galaan dhamaan saamileyda siyaasada dalka iyo beesha caalamka.

Dabaraani ayaa carabka ku adkeeyay in sababta ay Puntland ugu adkeysanayso in shirka uu ka qabsoomo Muqdisho, ay tahay in dhamaan daneyayaasha arrimaha doorashooyinka ay ku sugan yihiin caasimada, islamarkaana ay suurtagal tahay in dhaqso xal looga gaaro muranka taagan.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu shalay maamulka Puntland ka horyimid in shirweynaha looga arrinsanayo doorashada lagu qabto Garoowe, midaasi oo uu ku adkeysanayo madaxweynaa uu waqtiga ka dhamaaday iyo xukuumadiisu.

Si kastaba, waxa weli taagan muranka ka taagan doorashada, xili uu dhamaaday muddo xileedkii sharciga ahaa ee madaxweynaha, waxaana socda dadaalo ay beesha caalamka ku rabto in saamileyda siyaasada ay shir iskugu timaado, si xal looga gaaro arrimaha taagan.