Puntland oo madaxweyne Xasan ku eedeysay weerarkii xalay ka dhacay Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa ku eedeysay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka dambeeyo weerarkii xalay ka dhacay magaalada Garoowe.

Weerarkan ay Puntland ku eedeysay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu qaaday ciidamo galbinayay sanaadiiqda doorashada, xilli ay marayeen agagaarka garoonka diyaaradaha Garoowe, xilli ay kasii dartay xiisadda ka dhalatay khilaafka doorashooyinka.

Cabdi Faarax Siciid Juxa oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in weerarkan uu madaxweyne Xasan uga wakiil ahaa ergeygiisa, Khadar Cabdiraxmaan Faroole, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynihii hore ee Puntland.

“Ergeyga Xasan Sheekh Maxamuud ee arimaha dhaqaalaha Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa abaabuley weerarkii xalay lagu qaaday sanaaduuqda doorashada, qiyaamihii Xasan Sheekh uu sheegayey wuxuu ahaa mid isagu uu abaabulayo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Juxa ayaa waxa uu sheegay in weerarkas lagu dilay laba askari oo ka tirsan ciidanka, “Weerarka waxaa laga soo abaabulay guriga Khadar Faroole.”

“Doorashada Puntland way dhacaysaa, waa doorasho degaan oo afar boqol oo kun in ka badan ayaa isu diiwaan-galisay. Afar qof oo isku jifi ah oo magaalada Garowe joogta go’aankeeda ma gaari karto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Juxa.

Sidoo kale waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in garoonka diyaaradaha Garowe uu maanta xiran yahay, kadib markii maleeshiyaadka weerarka geysatay ay hub waaweyn la hortaagan tahay garoonka.

“Wax ay noqon karaan oo jabhad aheyn oo shufto aheyn ma garan karo. Ciidamada Puntland waa is difaaceen qalabkana waa gudbiyeen, waana is xakameeyen sida dhacday,” ayuu yiri wasiir Juxa oo sheegay in ciidamada qalabka doorashada waday ay dhankooda ka baaqsadeen in khasaaraha uu sii bato.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in maamulka Puntland uu diyaar u yahay inuu la hadlo cidkasta oo tabasho ka qabta hanaanka doorashada, hase yeeshe ay halkaas uga hari doonin waxa dhacay ee lala xisaabtami doono kuwa ka dambeeyay qalalaasaha Garoowe.

Dagaalkan ayaa waxaa xalay isku fara saaray ciidamo galbinayay agabka doorashada goleyaasha deegaanka iyo ciidamo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland, ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale uu sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday saacado uun kaddib markii siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ay soo saareen bayaan ka dhan ah doorashada, kuna dhaliileen madaxweyne Saciid Deni.

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in qaabka loo wado doorashada ay horseedayso xasilooni darro, ayaga oo dhaliil xoogan u jeediyay hoggaanka Puntland.

Si kastaba, doorashada goleyaasha deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland oo qof iyo cod ayaa loo ballansan yahay 25 ka bishaan May ee 2023-ka, waxaase sii xoogeysanaya khilaafka ka dhashay doorashadan oo hadda sababay dagaal u dhexeeyo labada dhinac.