Qaadista cuna-qabateynta Somalia oo ka macno weyn sida la moodayo (Afar qodob)

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa u dabaal-degaysa asbuuc kale oo laga mira-dhaliyay dadaalkii dalka looga qaadayay cuna-qabateynta hubka ee saarneyd tan iyo 1992-dii, markaas oo ay qarxeen dagaalo sokeeye oo ku lug lahaayeen jabhadihii riday dowladdii kacaanka ee xoogga ku haysatay xukunka dalka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa habeen hore si buuxda iskugu raacay in Soomaaliya laga wada qaado cuna-qabateynta hubka, waxaa kale oo la ansixiyay in argagixisada si gaar ah loo saaro cuna-qabateyn hubeyd, taasi oo macnaheedu tahay in cid walba oo argagixisada hub ka iibisa inay dabiile tahay.

Soo afjarida cuna-qabateynta 31 jirka ah ee xagga hubka ka saarneyd Soomaaliya ayaa ka dhigan Qarannimo, maadaama dal kasta oo go’aamadiisu weli ku jiraan gacanta QM waa dhan taalan tahay madax-banaanidiisu.

1. Qaranimo

Soomaaliya oo iyadu go’aan u leh nooca hub ee ay soo iibsaneyso iyo midka ay iska dhaafeyso, oo aan fasax weydiisaneyn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waa arrin kabeysa qarannimada Soomaaliya.

2. Dhismaha ciidan xoog leh

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hadda haysan hub ku filan ciidankeeda. Waxaa inta badan caawiya dalal shisheeye oo iyagu gacana ku caawiya midna ku duuga.

Dowladda Soomaaliya gacanta kuma hayso xuduudaheeda, oo haddii xitaa ciidan u joogaan ma haystaan hub iyo saanad u dhigma kuwa dalalka kale ka jooga xuduudaha.

Dowladda waxay hadda dhisan kartaa ciidan badan oo hubeysan, oo ilaalin kara amniga gudaha iyo xuduudaha dalka.

3. Dagaalka argagixisada

15 sano ayaa laga adkaan waayay kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya, inkasta oo sababuhu badan yihiin haddana mid kamid ah waa hubka.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo midka argagixisada kalama hub cusleyn muddo aad u fog. Laakiin hadda dowladda waxay soo iibsan kartaa nooc walba oo hub ah, si ay ugu sahlanaanto inay burburiso argagixisada hortaagan nabadda iyo horumarka dalka.

4. In laga maarmo gacan shisheeye

Soomaaliya waxay si tartiib tartiib ah uga sii baxaysa gacanta iyo ku tiirsanaanta ajnabiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqda nin soo hoynaaya dal 100% is wadi kara. Dhaqaale ahaan, ciidan ahaan iyo cilaaqaad ahaanba Soomaaliya gacanta ayaa lagu hayay tan iyo markii Carta lagu soo unkay dowlad kumeel-gaar ah sanadkii 2000.

Laakiin hadda dalka wuxuu maalin walba usii dhawaanaya inuu ka maarmo gacanta shisheeyaha. Hadda dalku hub nooc walba ayuu soo iibsan karaa waana mid aan farxad galineyn cid walba oo diidan inay Soomaaliya gaarto isku filnaansho buuxa.

Kadib natiijadii 24-kii bishii dhamaatay ee ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cuna-qabateynta hubka ee habeen hore hirgashay, waxay sidoo kale ka dhigan tahay inuu Xasan Sheekh dhameystiray qodob labaad oo weyn toban cisho gudahood.