Qiimeyn: Farmaajo afar sano kadib, waa sidee garsoorka federaalka, Banaadir iyo dowlad goboleedyada dalka?

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, markii uu xilka qabanayey 4 sano ka hor waxaa uu ballanqaaday dib u habeynta garsoorka iyo ka shaqeynta caddaaladda, waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Mar dambe dhici meyso , oo anaa ballan-qaaday, oo dowladda ayaa ballan qaadday,  qof Soomaaliyeed intuu hor-tago maxkamad caddaalad darro lagu sameeyo, howshaasi waa waxyaabaha dalkani meesha uu taagan yahay gaar siiyay, oo ilaahey noogu carooday, oo aan adduunka uga hooseyno , Labo qof iyo saddex qof oo xun, ka yeeli meyno in magaceenna isticmaalaan ummadda Soomaaliyeed duleeyaan oo dhibaato u geystaan oo xaq-darro ku sameeyaan u adkeysan meyno”.

Farmaajo waxaa loo dhiibay dal federal ah, iyada la sameeyey sharciga adeegga garsoorka, waxayna ahayd inuu dhammeystiro: (1). Dhammeystirka qabyo qoraalka dastuurka (2). Dhismaha Maxkamadda dastuuriga (3). Dhismaha Golaha adeegga garsoorka (4). Sameynta Xeerka nidaamka garsoorka federaalka ah iyo arrimo kale oo muhiim u ah madaxbannaanida garsoorka dalka.

4 sano uu Farmaajo joogay, Muxuu ka qabtay Garsoorka?

Doorashadiisa kaddib, wuxuu wacad ku maray isbeddel xagga garsoorka ah, isagoo kusoo koobay shaqadiisa oo dhan inuu maxkamadaha darajada 1-aad ee gobolka Banaadir beddelay min labo-jeer, waxaa kale uu min hal goor beddelay maxkamadda sare iyo xeer ilaalinta dalka.

Iyada oo aan lasoo marin sharciyadda garsoorka ee shaqo ka tirista garsooreyaasha ayaa Farmaajo waxaa uu ceyriyey 23 garsoore, waxaa uu shaqaaleysiiyey garsooreyaal ka badan 30 iyo kaaliyeyaal kuwaas oo lagu beddelay dad dhintay iyo qaar isaga tagay shaqada.

Miisaaniyadda Garoorka:

Garsoorka federaalka waxaa sannad walba kordhayey miisaaniyaddiisa sida $2.8 Milyan oo ah 2018-kii, $2.7 Milyan ayuu ahaa 2019, $3 Milyan halka sannadkan yahay $7.7 Milyan, laakiin ma jirin garsooreyaal cusub ama adeeg hor leh ama mushaar shaqaale oo kordhay.

Siyaasadeynta Garsoorka:

Dadka qaar waxay rumeysan yihiin in Farmaajo uu garsoorka ku milay siyaasadda, sida kiisaskii Cabdirashiid Janan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, , kiisas musuq lagu sheegay oo wasaaradaha gargaarka iyo caafimaadka iyo mas’uuliyiin furdada ahaa, waxaa intaa wehliyey kiisaskii weriyeyaasha Cali Aden iyo Cabdicaziz Gurbiye, oo lagu daray kiisas ay dhaqaajisay xeer ilaalinta oo aan maxkamad gaarin sida kiisaska Xildhibaannada Saabir Shuuriye iyo Xasan Macallin iyo kiiskii weriyaha VOA-da Haaruun Macruuf.

Marka laga tago in 4 sano kaddib, uu isku beddelay garsooreyaal iyo guddoomiyeyaal maxkamadeed iyo qaar kale, siyaasadeyeyna garsoorka dalka haddana waxba kama qaban shaqooyinkii laga sugayey sida dhismaha maxkamad dastuuri ah, golaha adeegga garsoorka, lagama heshiin xeerka nidaamka garsoorka dalka, mana ka shaqeyn in gasroorka la federaaleeyo, oo lagu baahiyo jamhuuriyadda federaalka ah oo dhan.

Xaaladda Garsoorka Maamullada Dalka:

Gobolka Banaadir:

Banaadir kama jiro maamul goboleed u gaar ah, mana laha maqaam, waa gobolka ugu dadka badan Soomaaliya, Muqdisho waa xarunta dowladda federaalka ah, waxaa ka jira garsoor,  tusaale ahaan sida ay sheegeyso maxkamadda sare, dhammaan degmooyinka marka laga reebo Boondheere. Marka laga reebo Wadajir oo maxkamad leh inta kale waxay ku shaqeeyaan saldhigyada booliiska iyo degmooyinka. Maxkamadaha racfaanta, xeer ilaalinta iyo maxkamadda ciidanka waxay ku dhex shaqeeyaan maxkamadda gobolka Banaadir.

Hirshabeelle:

Hirshabeelle waxaa ay ka kooban tahay Shabeellada dhexe iyo Hiiraan, gobolka Shabeellada dhexe, Magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka waa magaalada keliya ee saddex maxkamad ku yaallaan, Racfaanka, maxkamadda gobolka iyo maxkamadda degmada,  waxaa kale oo xusid mudan in Balcad, Warshiikh, Cadale, Buulo-Xawaadley iyo Mahaddaay oo 1960-kii maxkamado la lahaa aaney hadda lahayn!!

Gobolka Hiiraan:  Magaalada Baladweyn waxaa ay leedahay Maxkamadda degmada iyo midda gobolka, qarash la’aan dhacday awgeed, maxkamadda degmada ayaa la isugu geeyay dacwooyinka darajada 1aad halka maxkamaddii gobolka loo beddelay racfaan, Buula-burde, Jala-laqsi, Maxaas iyo Matabaan wax garsoor ah ma leh. Guud ahaan maamulka Hirshabeelle ma laha maxkamad sare iyo xeer ilaaiye,

Galmudug:

Maamulkan Galmudug waxaa dhowaan la magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer ilaaiye, waxaa jira goddoomiyeyaasha maxkamadaha gobollada, sidaas ay tahay ma laha xafiisyo iyo shaqo socota.

Caqabadaha heysta garsoorka Galmudug waxaa ka mid ah iney dacwooyinka ku qaadaan geedaha hoostooda, maamulka oo dhan ma laha xabsi, oo dad xukuman ayaa ku xiran saldhigyada magaalooyinka oo aan loo hayn xabsi, mushaar la’aanta waa dhibaato kale.

Koonfur Galbeed:

Maaamul Goboleedka Koonfur Galbeed wax gacan ah kama helin dowladda federaalka ah, laakiin waxay leeyihiin gole adeeg, Baydhabo keliya ayaa waxaa ay leedahay adeeg garsoor oo dhammeystiran, laakiin sharciyada waa qaar aan federal ahayn, oo duugoobay, loomana diyaarin, maamulkan waxaa ka diiwaan geshan 25 qareen iyo 14 isugu jira garsooreyaal iyo inta oo kale kaaliyeyashooda ah oo Bay jooga halka inta kale oo Bakool ama Shabeellada hoose ah aaney diiwaan gashneyn, mushaarna iskaba daa.

Dhibaatooyinka amni xumida iyo baahin la’aanta ah ay keentay waxaa ka mid ah in dhammaan maamulka wixii dacwo madani ah loo aado Al-shabaab kaddib markii March 2019-kii wixii ka dambeeyey la joojiyey qaadista dacwadaha dhulka. Waxaa xusid mudan Bakool ma qabto maxkamad racfaan halka Waajid iyo Bardaale xabsi la’aan yihiin.

Waxaa jira caqabado maamulkani haysta, tusaale ahaan Shabeellada hoose wixii dacwo ah gobolkan Banaadir ayey la soo aadaan,  dowladda dhexe waxba kama helaan, haddii xitaa ay maxkamad xukun gaarto lama hayo ciidan fuliya iyo xabsiyo la geliyo!!

Jubbaland:

Kismaayo waxaa uu leeyahay gole adeeg garsoor, laakiin garsoorka ma dhaafo Kismaayo, waxaa ku taallo Maxkamadaha degmada, midda gobolka Jubbada hoose iyo midda racfaanka, Dacwooyinka ay qabtaan waa madani iyo ciqaab, waxaa kale oo jirta maxkamadda ciidamada.

Wax maxkamad ah iyo xabsi midna kama jiraan labada gobol ee Jubbada dhexe iyo Gedo, xitaa garsoorka Kismaayo ka shaqeeya waxaa tababar iyo lacag siiya mamulka Jubbalabd.

Puntland:

Maamul goboleedka Puntland waa midka ugu dhaw xagga sharciyada federaalka ah, waxaa uu leeyahay Maxkamadda sare, mid dastuuri ah, xeer ilaalin, racfaan, maxkamadaha  darajada heerka 1aad, guddiga sare garsoorka,  guddoomiyaha maxkamadda sare,  3 garsoore maxkamadda sare, 2 garyaqaan, iyo xeer illaalinta.

In kasta oo Maxkamadaheeda ay u dhisan yihiin qaabkii federaalka ah haddana sharciyada ay ku shaqeeyaan waa nidaamkii garsoorka ee dowladdii dhexe 1991-dii.

Caqabadaha Haysta Garsoorka Dalka:

Garsoorkii 1991-kii: Garsoorka hadda dalka lagu dhaqo waa midkii ay ka tagtay dowladdii dhexe 1991-kii, waxaa ay dhibaato ka jirtaa iswaafajinta nidaamkaasi iyo midka federaalka ah.

Dastuur Federaal Ah: Dhammestirka dastuurka iyo heshiisyada siyaasiga ah, waxaa ku xiran in nidaamyadii kale ee federaalka ahaa ay shaqeeyaan, taasi oo aan suurogal ahayn inta dastuurka uu qabyo yahay oo aan la ansixin.

Dhisme Garsoor Federaal Ah: Weli ma billaaban ka hadlidda nidaamka federaalka ah, Garsoorka dalku wuxuu noqonayaa saddex Heer oo kala ah: (a) Maxkamad Dastuuri ah (b) Maxkamadaha Heer Dowlad Federaal; iyo (c) Maxkamadaha Heerka Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka. Maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Heer Federaal waa Maxkamadda Sare ee Federaalka, iyadoo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyaguna yeelanayaan Maxkamad Sare ee heer Dowladaha Xubinta ka ah federaalka oo iyaga u gaar ah.

Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka: Qodobka 109 ee dastuurka waxaa uu ka hadlayaa dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka, golahan waa uu laalan yahay, illaa iyo hadda lama oga wax ku dheggan, golaha waa midka  hawsha guud ahaan garsoorka ku xiran tahay.

Asaaska Maxkamadda Dastuurka: Dastuurkani wuxuu aasaasayaa Maxkamadda Dastuurka oo ka kooban shan garsoore oo uu ku jiro Garsooraha Sare iyo ku xigeenka Garsooraha Sare, shaqadan weli ma billaaban

Magacaabista Garsoorayaasha:  Caqabadda ugu weyn ayaa ah:  in garsooreyaashaasi ku yimaadeen xeer madaxweyne, waxaa ay shaqada ka tagi karaan marka ay madaxweynaha u soo jeediyaan Golaha Adeegga Garsoorku isagana uu saxiiso, golahii soo jeedin lahaa

Haddaba, Farmaajo waxaa uu 4-tiisa sano ee Villa Somalia ku dhammeystay qardo-jeex iyo habab baalmarsan sharciga iyo dastuurka jamhuuriyadda federaalka ah, wax shaqo ahna kama qaban garsoorka dalka, hal sharci oo arrintan la xiriirta ma keenin  baarlamaanka, balse taa beddelkeed, waxaa uu isaga isku noqday fulin, sharci-dejin iyo garsoor.

Xigasho: Goobjoog