Qiimeynta waxa Itoobiya ku dhiiri-geliyey is-afgaradkii sharci darrada ee Somaliland

Maqaalkani waxa uu lafagurayaa sababaha dhiirrigelin karay Is-agradaka sharci-darrada ahaa ee ay Itoobiya dhawaan la gashay maamulka iskiis madaxbannaanida ugu dhawaaqay ee Somaliland, iyo sidoo kale ikhtiyaaraad siyaasadeed ee suuragal ah oo ay dawladda Faderaalka Soomaaliya (DFS) uga jawaabi karto uguna difaaci karto wadajirkeeda dhuleed.

Iyada oo tirada ku darsanaysa xasillooni darrada ka jirta gudaha Soomaaliya iyo caqabadaha dowladnimada; Itoobiya waxaad mooddaa inay istustay ku-dhac ay danaheeda istiraatijiyadeed ee badda ugu soo duurxusho Somaliland, iyadoo qiimeynaysa in DFS ay xilligan ka seeteysan tahay inay ka bixiso jawaab wax-ku-ool ah. Si kastaba ha ahaatee, sida ay gorfeyntani eegayso, Soomaaliya waxay haysataa ikhtiyaaraad diblumaasiyadeed, kuwa sharci, kuwa dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed, gaar ahaan in ay isku dunto cadaadis caalami ah oo ka imaanaya xulafada iyo hay’adaha muhiimka ah.

Istaraatiijiyad dhinacyo badan leh oo la isku dubarriday ayaa diiradda saartay soo banbixinta sharci-darrada Is-afgaradka, iyadoo Soomaaliya laga ilaalinayo kala qaybsanaan kale ama ka weecinta hor-tebinnada dawlad-dhisidda, halka la bixinayo dhabbe wax-ku-ool ah oo loo maro sidii loo baabi’in lahaa ku xad-gudubkan siyaadadeeda.

Waa in la gartaa jawi juqraafi-siyaasadeed ku habboon Is-afgaradka sharci-darrada ah ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland. Soomaaliya waxa ay muddo tobaneeyo sano ah la daalaa dhacaysay xasillooni darro iyo maamul la’aan ka billowday dagaalladii sokeeye ee 1991-kii, kuwaasoo horseeday in gobollada Waqooyi ku dhawaaqaan go’id, iyagoo dhisanaya Somaliland. Dowladda Federaalka oo  weli diiradda saaraysa sutada dowlad-dhisidda iyo adkeynta xukunka, gaar ahaan ka-hortagga mintidiinta Al-Shabaab, Itoobiya sida muuqata waxa ay u qaadatay in Soomaaliya ay aad u liidato si ay u hor istaagto dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah madaxbannaanida dhulkeeda. Gaar ahaan, Itoobiya waxa ay hiigsanaysaa in ay hesho dekedo ay baahi weyn u qabto iyo faa’iidooyinka dhaqaale ee la xiriira, halka ay Somaliland raadinayso in ay hesho sharciyad aqoonsi. Iyadoo gacan-ka-hadallada taariikhiga ah iyo laba-daraalaha amni; ay gacan ka gaysanayaan sharraxaadda xaaladda, natiijadu waxay ka dhigan tahay ku xadgudub sharciga caalamiga ah ee xuduudaha Soomaaliya, taasoo sii adkeynaysa geeddi-socodka. Sidaa darteed DFS waa in ay isku dheellitirtaa tayeynta maamulkeeda gudaha halka ay gaashaan bir ah ku wajahayso khataraha dibadda ah.

Si looga jawaabo heshiiskan cunfiga huwan ee sharci darrada ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, Soomaaliya waa in ay isku duntaa istiraatijiyad isku dubaridan oo ay ka faa’iidaysanayso dhammaan wadiiqooyinka diblamaasiyadeed, sharci, dhaqaale iyo siyaasadeed ee jira. Ma huraanka aasaasiga ah waa in la bilaabo olole diblumaasiyadeed oo diiradda lagu saarayo sidii loo dhisi lahaa mucaarad caalami ah oo ka dhan ah is-afgaradka ku xad-gudubka cad ee siyaadada Soomaaliya sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah. Dadaalada gaarka ah waa in ay ku lug yeeshaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo hay’adaha kale iyada oo la xoojinayo xiriirka xulafada sida Mareykanka iyo Ingriiska. Intaa waxaa dheer, Soomaaliya waa in ay raacdaa hab-sharciyeedka iyada oo la kaashanaysa khubarada sharciga caalamiga ah si ay u tixgeliyaan ikhtiyaarrada ay ku jiraan hababka xallinta khilaafaadka ee Qaramada Midoobay iyo hababka caddaaladda caalamiga ah. Ujeedada ugu weyn ee dadaalka sharci ee noocan oo kale ah waa in la sii wado xukun adag oo ka dhan ah sharcinimada Is-afgaradka.

Dhinaca dhaqaalaha, cunaqabataynno bartilmaameedsan iyo xannibaadaha ganacsiga ee ka dhanka ah hay’adaha Itoobiya ayaa waxay dhiirigelin karaan isbeddello siyaasadeed iyada oo aan si buuxda loo fogayn cilaaqaadka gobolka. Ugu dambeyntii, dhinaca gudaha, xoojinta midnimada iyo xasilloonida gudaha Soomaaliya ayaa muhiim u ah ka hortagga dadaallada faragelinta dibadda. Waxaa tallaabadan qayb ka ah wadashaqayn dhow oo lala yeesho dawladaha xubnaha ka ah federaalka iyo saamilayda maxalliga ah si loo xoojiyo midnimada dhuleed. Dulmarkan tiirarka siyaasaddeed ee muhiimka ah waxay bixinayaan qaab-dhismeed billow ah oo loogu talagalay jawaab-celinta dhinacyo badan leh ee Soomaaliya iyadoo la dejinayo dood dheeraad ah oo ku saabsan istaraatiijiyadaha isku-dubbaridka iyo caqabadaha suurtagalka ah ee ku gudbanaan kara meelmarinta ajendaha qaran.

Ka gun-gaaridda hirgelinta istaraatiijiyadda jawaab celinta isku dubaridan ee la qeexay waxay caqabado diblumaasiyadeed iyo siyaasadeed oo dhowr ah oo hor leh ku yeelan doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya. In si wada jir ah looga soo horjeesto heshiiska is-afgaradka ah ee hay’adaha sida Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa laga yaabaa inay adkaato marka loo eego danaha istaraatiijiyadeed ee ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah, halka kiisaska sharciga ah ay sidoo kale u janjeeri karaan inay waqti dheer qaataan ka hor xallinta. Sidaa darteed, Soomaaliya waxay u baahan doontaa inay bargarato oo ay sare u qaaddo xulafada muhiimka ah ee doonaya inay taageeraan mawqifkeeda iyada oo kafaala qaadaysa oo si degdeg ah ula socota mooshinnada ama kiisaska khuseeya. Dhinaca gudaha, waa in la mideeyaa mawaaqifta dawladda federaalka ah iyo dawladdaha xubnaha ka ah, iyo sidoo kale qabaa’ilka, oo weliba la mideeyo farriin guud oo ka dhan ah xad-gudubyada siyaadada Soomaaliya. Si taas loo gaaro, dowladdu waa in ay si firfircoon u isticmaasho raasamaal siyaasadeed si ay wadatashiyo ballaaran ula yeelato saamilayda gudaha ee ku aaddan mawqifyada midaysan ee khuseeya midnimada dhuleed ee dibadda. Cilaaqaadka gobolku waxay sidoo kale noqon doonaan kuwo dheellitirkoodu jilicsan yahay, iyadoo la adeegsanaayo khatarta dhaqaale ee dib u soo noqoshada, markaa hababka la beegsanayo waxay u baahan yihiin qiimeyn. Ku taagnaanta diirad saarka xiriir labada dhinac faa’iido u leh ayaa waxay ka hortagtaa ku fekerka dan la’aan. Marka la helo wada-shaqeyn dheellitiran oo gudaha iyo dibadda ah, Soomaaliya waxay ka shaqayn kartaa inay Is-afgaradka u rogto fursad lagu xoojinayo qaranimadeeda.

Marka la sii ambaqaado, Soomaaliya waa in ay u qabsataa Is-afgaradkan sharci-darrada ah si uu u dardargeliyo istraatijiyado dowladnimo oo macquul ah oo xoojinaya mowqifkeeda ka dhanka ah faragelinta dibadda iyo kala qaybsanaanta gudaha. Iyadoo laga hortagayo xadgudubyada ka dhanka ah siyaadadeeda, horumarka laga gaarayo meelaha muhiimka ah ee dhismaha dowlad goboleedyada, oo ay ku jiraan sameynta federaal shaqeeya, qaabeynta kheyraadka iyo qaab-qeybsiga awoodaha, dib-u-habeynta mideysan ee amniga, horumarinta kaabayaasha isku dhafka ah, waxay xoojin doontaa awoodda gorgrotan ee Soomaaliya ee gobolka iyo xiriirrada. Hawlgal diblomaasiyadeed oo joogto ah oo lala yeesho bah-wadaagta Khaliijka, Yurub, iyo Afrika waxay sidoo kale gacan ka geysan kartaa soo jiidashada ganacsi iyo maalgashi faa’iido u leh labada dhinac si loo taageero waxyaabaha mudnaanta u leh dhismaha qaranka. Isla mar ahaantaana, fariimaha qancinta ah ee soo bandhigaya khatarta heshiisyada sida MoU aysan u keenin xasilloonida Soomaaliya oo keliya, laakiin sidoo kale isdhexgalka dhaqaalaha gobolka iyo dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada ayaa saameyn yeelan doona. Soomaaliya waxay haysataa fursad ay ugu dhaqaaqdo madax-bannaanida istiraatijiyadeed oo kordhay iyo adkaysiga qaran iyadoo fulinaysa jawaab celin isku sidkan oo aan ahayn mid keli keli ah balse qayb ka ah horumarka guud ee siyaasadda, dhaqaalaha, iyo maamulka amniga. Marka la helo dulqaad iyo difaac adag oo qaranimadeeda lagu caddeeyo sharciga caalamiga ah, natiijooyinka mustaqbalka fog ee caqabadan waxaa si wanaagsan u bedeli kara Soomaaliya lafteeda. Ugu dambeyn, muddada gaaban, Soomaaliya waxay si aad ah ugu baahan tahay saaxiib awood leh oo lagu kalsoonaan karo si ay gacan uga geysato horumarinta ciidamadeeda badda iyo ilaalinta xeebaheeda oo ah kuwa ugu dheer Afrika.

Gabagabadii, heshiiska sharci darada ah ee Itoobiya ay la gashay Somaliland waxa uu si la saadaalin karay u kordhiyay walaaca laga qabo xasilooni darada gobolka iyo midnimada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxay haysataa ikhtiyaaraad diblumaasiyadeed, sharci, dhaqaale iyo siyaasadeed oo macquul ah oo ay si adag uga jawaabto xad-gudubyada wadajirkeeda dhuleed. Marka la isu dheellitiro midnimada gudaha iyo isku dubaridka siyaasadda arrimaha dibadda, Soomaaliya waxay meesha ka saari kartaa sharcinimada iyo kalsoonida Is-afgaradka mustaqbalka dhow. Si guud, caqabadan ayaa muujineysa baahida Soomaaliya ay u qabto dardargelinta istaraatiijiyad dowladnimo oo hufan oo dadkeeda u horseeda xasillooni iyo barwaaqo. Iskaashi labada dhinacba faa’iido u leh ayaa lala sii xoojin karaa xulafada iyada oo la wajahayo falalka faragelinta islamarkaana la caddaynayo sida ay Soomaaliya uga go’an tahay isbeddellada siyaasadeed iyo ka qaybgalka horumarka gobolka. Iyadoo dulqaad iyo murti ku dhaqmaysa, Soomaaliya waxay difaaci kartaa qaranimadeeda, iyadoo dejin karaysa sida ay ayada ka go’an in ay u wajahdo madaxbannaanida istiraatijiiga ah ee korortay. Waxa loo baahan ayaa ah in taxadar mug leh loo maareeyo xasaradaha, iyadoo ay ku lammaan tahay hoggaan joogta ah si khataraha imaan kara loogu bedelo fursado cilaaqaadka dibadda oo horumarsan iyo maalgashiga dawlad wanaagga.

W/Q: Prof. Mohamed Omar Bincof