Qorshaha xasaasiga ah ee Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ma lagu taageri doonaa shirka Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho uu dhowaan ka furmo kulanka ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka, ayada oo ay horyaalaan qodobo dhowr ah, oo is-beddel ku sameyn kara heshiiskii doorashada ee horey loo gaaray.

Qodobkan ugu weyn ee la filayo in shirka lagu soo qaado ayaa ah isku day la doonayo in wax looga beddelo deegaan doorashooyinka lagu heshiiyey in doorashada ay ka dhacdo, oo ah laba magaalo halkii maamul goboleedba, iyo magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada Waqooyi iyo Banaadiriga.

Isku daygan ayaa waxaa wada madaxweynayaasha HirShabelle iyo Jubaland Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, oo doonaya in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya Jowhar iyo Kismaayo, ayada oo ay ku adag tahay inay ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaareey, sida ku cad heshiiska doorashada.

Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda. 

Qorshaha Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ayaa waxaa gadaal kaga soo biiray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, oo isna doonaya in doorashada ay ka dhacdo kaliya magaalada Baydhaba, oo laga soo wareejiyo Baraawe.

Ma cadda inuu hirgeli doono qorshahan, wuxuuna wajahayaa caqabado xooggan oo ay ka mid yihiin sida looga gadi karo madaxweyne Farmaajo oo dagaal adag u galay arrinta Garbahaarey, beesha caalamka, ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada kale.

Farmaajo ma fadhiyo miiska wada-hadalka, waxayna arrintiisa ku go’daa ogolaanshaha ra’iisul wasaare ama diidmadiisa. Sidoo kale beesha caalamka ayaa iyana ka hor-iman karin wax ay ku heshiisyaan madax goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Warar nasoo gaaray ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ay suurta-gal tahay inuu taageero qorshahan, isaga oo ugu daneynaya saaxiibkiis Axmed Madoobe, kuna xumeynaya Farmaajo. Waxaan weli caddeyn mowqifka Qoor Qoor, oo haddii isna uu taageero xoojin karta suurta-galnimada ah in qorshahan hirgalo.

Si kastaba, in qorshahan hirgalo waxay ku jirtaa gacanta Rooble, waxaana go’aankiisa uu ku xiran yahay sida ay uga go’an tahay inuu ka horyimaado Farmaajo. Rooble, way u caddahay in Guudlaawe iyo Axmed Madoobe ay doorashooyin ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaarey, sidaa darteedna haddii uusan qorshahan taageerin, waa in la helaa xal kale.