Qorshe looga hortagayo in DF xil u dhiibto qof hore uga tirsanaa Al-Shabaab + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maryan Faarax oo kamid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ayaa si adag uga hortimid in xil loo dhiibo qof hore uga tirsanaa kooxaha argagixisada.

Dowladda federaalka ayaa waxaa ku jira shaqsiyaad horey uga tirsanaa Al-Shabaab, oo haya xilal kala duwan, balse waxaa ugu sarreeya Mukhtaar Roobow oo gaaray heer wasiir.

Maryan oo hadal ka jeedisay fadhigii Golaha Aqalka Sare ayaa waxay ku dooday in marnaba aysan isbadeleen caqliyada qofka argagixisada, sidaas darteed ay tahay in meesha laga saaro qoddob u ogolaanaya in uu xil qaban karo marka uu isku soo dhiibo dowladda.

“Sharciga la-dagaalanka Argagixisada waxaa ku jira qoddob ka hor imaanaya magaca sharciga, oo waxa uu dhigaya in qofka argagixiso kamid ahaa uu masuul Qaran noqon karo shan sano kadib,” ayey tiri Senator Maryan Faarax.

“Si uu hadda isku soo dhiibo isaga oo argagixiso ah isaga oo og in uu shan sano kadib xil ka qaban karo dowladda. Marka waxaa qabaa in qof argagixiso uusan xil qaban karin mid yar iyo mid dowladeed.”

Senator Maryan ayaa intaas sii raaciyay “Si kasta oo maskaxdiisa u dhaqdo argagixisadaas unbu ahaanaya. Ma isbadalayo.”

Waxay soo jeedisay in qoddobkaas laga saaro sharciga la-dagaalanka argagixisada, iyada oo ku dooday in aan la qaadan karin in qof argagixiso ahaa uu haddana kasoo muuqdo muraayadda dowladda.

Hindise-sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada ayaa fadhigii Golaha Aqalka Sare lagu marsiiyay akhrinta labaad, ayada oo Sanatarrada ay sharcigan dood dheer ka yeesheen.

Hoos ka daawo