Ruushka oo ku hanjabay tallaabo ka dhan Mareykanka

Moscow (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa u yeertay safiirka Maraykanka u jooga magaalada Moscow, waxayna ku hanjabtay inay dalkeeda ka eryi doonto diblumaasiyiinta Maraykanka ah si ay uga mudaaharaadaan wax ay ku sheegeen faragelinta Washington ee arrimaha gudaha.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu eedeeyay Mareykanka in uu maalgeliyo kooxaha aan faa’iido doonka ahayn ee Ruushka ka soo horjeeda iyo faafinta warar been abuur ah ka hor doorashadiisa madaxtinimo ee dhammaadka bishan.

Danjire Lynne Tracy oo ah safiirka Mareykanka ee Ruushka weli kama hadlin arrintaan.

Safiirka Mareykanka u fadhisa Ruushka waxay ka mid ahayd dhowr dublamaasiyiin ajnabi ah oo ka qaybgalay aaska Moscow ee hoggaamiyihii mucaaradka Alexei Navalny oo xabsiga ku geeriyooday.

Dhinaca kale, Wakaaladaha wararka ee Ruushka ayaa sheegay in ciidamada amniga gudaha ay dileen dhowr maleeshiyaad ah oo ka tirsan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, kuwaas oo la sheegay in ay doonayeen in ay weeraraan kaniisada Moscow.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda IS ee saldhigeedu ahaa Kaluga oo koonfur galbeed kaga beegan magaalada Moscow ay soo dirtay dagaalyahanada lagu dilay gudaha Ruushka.

Xubnaha la dilay waxaa la sheegay inay kasoo jeedaan dalka Afgaanistaan, waxayna isku dayeen inay iska caabiyaan in la xiro, kadibna waxaa loo toogtay si toos ah.

Wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ayaa sidoo kale sheegtay in la helay hub, rasaas iyo qalab lagu sameeyo bambooyinka oo kooxdaas u keydsanaa.