Sababta doodda maqaamka MUQDISHO looga saaray qodobka 1-aad ee dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli ka doodaya dhameystirka dastuurka Soomaaliya oo qabyo ahaa 12-kii sano ee lasoo dhaafay.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa wax maqaam ah loo sameyn, tan iyo dib u yagleelidii Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya oo kasoo bilaabata shirkii Carta ee 2000.

Dastuurka qabyada ah waxaa ku qoran in magaalada caasimada ah ee Muqdisho yeelan doonto maqaam gaar ah oo lagu cadeynayo dhameystirka dastuurka, kaasi oo go’aan ay ka gaarayaan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka degan magaalada Muqdisho hadda sooma doortaan qof siyaasi ah, waxaana maamula dad ay soo magacowdo Madaxtooyada Soomaaliya.

Dhawaan waxaa baarlamaanka la horgeeyay afarta cutub ee uga horreysay dastuurka, kuwaasi oo la filaayo in howshooda lagu kala baxo bartamaha bisha soo aadan ee Maarso.

Cutubka 1-aad qodobkiisa 9-aad wuxuu ka hadlayay arrinta maqaamka caasimada, laakiin guddiga ayaa u raray cutubka 5-aad ee dastuurka.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaarkood si weyn u diiday middaasi, iyaga oo sheegay in meesha dhiban ee loo baahan yahay in maanta wax laga qabto inay tahay Muqdisho, sidaas darteedna aanay jirin wax ka mudan in laga dooddo maqaam u sameynteeda.

Waxay soo jeediyeen in cutubka 1-aad markale lagu soo celiyo doodda maqaamka caasimada. Hadda waxaa lagu jiraa marxaladda koowaad ee doodda, laakiin marxaladda saddexaad ayey Xildhibaannada raba in doodda Muqdisho lagu soo celiyo cutubka 1-aad waxay kasoo dhigi karaan mooshin.

Sidoo kale marxaladda afaraad ayaa dhamaan tallooyinka iyo wax ka beddelka lagu soo dari doona, waxaana weli jirta fursad ay doodda caasimada ku heli karto mudnaan gaar ah.

In cutubka 1-aad laga saaray maqaamka caasimada, waxay u muuqata arrin siyaasi ah. Villa Soomaaliya waxay aad u xiiseynaysaa isbeddelka haykalka dowladnimada, sida; in meesha laga saaro kursiga ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeen.

Waxaa la fahamsan yahay in qodobka maqaamka caasimada laga cabsaday inuu buuq badan dhaliyo oo uu shaqada dhan hakad galiyo ama dheereeyo waqtiga, taasi oo caqabad ku noqon karta qorshaha doorashooyinka iyo isbeddelka haykalka dowladnimada ee ay rabto Madaxtooyada Soomaaliya.

Muqdisho waa meesha dhaqaale ahaan iyo shacbiyad ahaanba ku nooshahay dowlad walba oo timaada Villa Somalia. Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa marwalba lagu eedeeya in si uusan dhaqaalaha Muqdisho gacantooda uga bixin inay tahay sababta marwalba uga caga-jiidaan maqaam u sameynta magaalada Muqdisho.

Gaabiska ka muuqda duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale kamid ah sababaha keenaya in aan maamulka gobolka iyo bulshada caasimada wax fal-celin ah ka sameyn in go’aan ka gaarista maqaamka caasimada laga saaray cutubka koowaad ee dastuurka, iyada oo la geeyay cutubka shanaad oo aan la aqoonin xilliga dooddiisa la keeni dooni baarlamaanka.

Qodobadda ay Madaxtooyada Soomaaliya xiiseynayso waxay dhamaan ku jiraan afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka ee hadda ay doodoodu socoto. Waxayna taasi si fudud ku fahamsiineysa in kooxda madaxweyne Xasan Sheekh aanay hadda dhanka maqaamka magaalada Muqdisho u socon.