Sababta Soomaaliya aysan u doonayn inuu sii shaqeeyo xafiiska QM ee UNSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta ka dalbatay Qaramada Midoobay joojinta shaqada xafiiska QM ee Kaalmaynta Soomaaliya, kaasi oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano UNSOM.

Dalabkan oo lagu gudbiyay warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in la joogo waqtigii ay Soomaalia u madax banaanaan lahayd howlaheeda gaarka ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay haatan horumar ballaaran ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka.

Haddaba, Maxay tahay sababta ay Soomaaliya u doonayn inuu sii shaqeeyo xafiiska UNSOM?

Sababta u weyn ee uu salka ku hayo dalabka dowladda Soomaaliya ayaa ah in loo guuro Xafiiska Qaramada Midoobay ee caadiga ah, ayada oo laga guurayo kan hadda ee UNSOM ee fadhigiisu yahay Xalane.

Isbeddelkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay istaraatiijiyad ballaaran oo Soomaaliya ay ku dooneyso “in ay isku waafajiso qaab dhismeedka xiriirka caalamiga ah iyo kan waddamada kale ee madaxa-bannaan.”

Soomaaliya oo musharrax u ah kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa aaminsan in aan loo baahnayn xafiiska siyaasadda ee QM oo ka baxsan waajibaadka hadda jira.

Sarkaal katirsan howl-galka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loolanka kursigaas uu muujinayo sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka qayb qaadashada wada-hadallada nabadda iyo amniga adduunka.

Sidoo kale waxa uu sheegay sarkaalkan ka gaabsaday in aan soo xigano magaciisa in dowladda federaalka Soomaaliya aysan dalban in la xiro xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, balse ay taas beddelkeeda ay raadineyso howl-gal caadi ah oo QM lana mid ah kan ka jira waddamada kale.

Si kastaba, waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay (UNSOM) ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku eg yahay marka la gaaro dhammaadka bisha Oktoobar ee sanadkan 2024-ka.