SACIID DENI oo shaaciyey laba qodob oo DF ay aad u diidan tahay inay ogolaato

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ee waqtigeeda dhamaaday tan iyo markii la doortay qorshaheeda koowaad inuu ahaa in la kala dhantaalo dowladdaha xubnaha ka ah federaalka damaceeda dhabta ahna uu ahaa in la burburiyo maamulada jira.

Deni oo wareysi siiyey Dalsan TV ayaa ku amaanay dowladdii hore ee Xasan Sheekh heshiisyadii iyo qodobada ku saleysan federaalisimka inay hirgelisay, balse cunaha la qabtay, wuxuuna tilmaamay in Xasan Sheekh uu ku guuleystay in guud ahaan maamulada dalka dhiso, marka laga reebo Somaliland oo gaar ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdii Xasan Sheekh ee KMG-nimada dalka ka saartay kana shaqeysay in kheyraadka dalka la qeybsado.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha murugsan ee doorashada iyo shirarkii maalmihii lasoo dhaafay ugu socday Muqdisho madaxda maamulada iyo madaxweynaha mudu xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa faah-faahiyay laba qodob oo dowladda federaalka aysan jecleysan islamarkaana keentay sababta ay u shaacisay inuu fashilmay shirkaasi, labadaasi sabab oo maamul ahaan u arkaan inay noqon doonaan daawo dhayeyso booggaha jira iyo shakiga ay qabaan.

labadaasi qodob ayuu ku sheegay in ay kala yihiin in dowladdu ay shar u aragtay in shirka looga hadlayo doorashada lagu casuumo madaxdii hore ee dalka gaar ahaan Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh iyo qodobka kale ee ah in beesha caalamka goob joog ka ahaado furitaanka shirka, waxaana raaca qodob kale oo qeexaya sugitaanka amniga doorashada maadaama uu sheegay inaysan jirin kalsooni shaki badana uu jiro kadib dhacdadii 19-kii Febraayo.

“Qodobka ugu cuslaa ee dowladdu diiday waxay tahay in maalmaha furitaanka shirka lagu casuumo dad Soomaaliyeed oo saameyn ku leh dalka iyo dadka, inay madaxda Soomaaliyeed kala qeyb galaan shirka si ay bulshada Soomaaliyeed ugu tebiyaan in doorashadaani tahay mid xalaal ah oo jawi fiican ku dhacda. Si gaar ah waxay u diidanaayeen labadii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed oo ka tirsan golaha murashaxiinta, in ay yimaadaan oo la dhageysto maadaama ay qabaan tabasho iyo xadgudubyadii 19-kii Febraayo dowladdu kula kacday madaxdaasi, imaatinkoodana wuxuu daawo u noqon lahaa in la dhageysto. Iyo qodobka kale oo ah in beesha caalamka oo Soomaalida ku dhex wareertay, oo dowladdu diiday inay kulamada kasoo qeybgalaan, sababtana ma garan karo,” ayuu yiri Deni oo tilmaamay in beesha caalamka gacan weyn ku leeyihiin doorashada oo dhaqaale ay ku bixinayaan.

“Waayeel caanaha hortiisa ayaa lagu barxaa,” ayuu yiri Saciid Deni oo dalbaday in dowladdu ee waqtigeeda dhamaaday wax badan qarineyso, isagoo ku adkeystay in shirka uusan fashilmin, heshiis buuxa oo dadka Soomaaliyeed iyo dalka maslaxadiisa ku jirta in lagu gaari doono.

Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo wareysigiisa uu ku difaacay dadaallada iyo dhex-dhexaadinta beesha caalamka ka wado arrimaha doorashada lagu murunsan yahay, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay xubnaha UN-ka, door weyna ay ku laheedahay arrimaha Soomaaliya iyo dadka kala aragtida duwan.

“Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego in UN-ka iyo Midowga Africa ma ahan dal shisheeye, Soomaaliya xubin ayay ka tahay Qaramada Midoobay iyo AU marka caalamkaa ka tirsanahay, ma nihin dad caalamka ka baxsan, shaqada ay gudanayaanna waa shaqadoodii ay annaga noo hayeen, laakin siyaasadda marar badan la alifaayo dadka lagu marin habaabinaayo laga dhigaayo in shisheeye gacanta nala soo galay, arrintaasi arrin jirta ma ahan dadkana in lagu marin habaabiyo ma ahan, dad faquuqan ama bulsho meel gaar ah degan ma nihin, maantana anagaa ugu fakhri badan caalamka,” ayuu yiri Saciid Deni.

Saciid Deni ayaa beeniyay in magaalada Muqdisho uu ku joogo culeys iyo amar beesha caalamka saartay inuusan bixi karin ilaa heshiis ay gaaraan madaxda Soomaalida.

“Anigaa Muqdisho imid, waxaana u imid danta ummadda Soomaaliyeed, waana u joogayaa ilaa ay ka dhamaaneyso, cid i fartayna ma jirto, cid aan ugu tegaayo danta iyo shaqada aan leeyahay ma jirto meelnana uma socdo, markeey ii dhamaatana meeshii aan shaqada ka lahaa iyo xafiiskeyga ayaa ku noqonayaa,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweyne Deni ayaa carabka ku adkeeyay in aysan jirin cid gaar ah oo is hayso balse laga wada hadlaayo danta qaranka oo aysan jirin cid gaar ah oo danta qaranka leh, ujeedadiisana ay tahay “Sidee dalka Soomaaliyeed jiho loogu yeelaa aan hadhow hurgumo iyo is-qabqabsi ka imaan nidaamkii lagu heshiiyayna weesac ay ku jirto.”