Sacuudiga iyo Imaaraadka oo isku haya SOOMAALIYA

Riyadh (Caasimada Online) – Sida ay faafisay wakaaladda wararka AFP, waxaa soo sare maray loolan u dhaxeeya Boqortooyada Sucuudiga iyo Imaaraatka Carabta, kaas oo ku saabsan sidii ay saamayn ugu yeelan lahaayeen Soomaaliya.

Iyada oo la xiganayo dad wargaleen ah, ayaa la sheegayaa in Sucuudiga uu aad sare ugu qaaday heerka xiriirka ee Soomaaliya iyo deeqaha uu ku bixinayo, si baa la yiri, uu galaangal ugu yeesho qaddiyadda Badda Cas ee sii murgeysa.  

Imaaraatka ayaa la sheegay in uu sii kordhayo tuhunka laga qabo in uu hoosta ka riixayo dowlado daris ah in ay saldhigyo ku yeeshaan badda Soomaaliya, sida wakaaladda ku doodayso.  

Sucuudiga Isaga waxaa la sheegay in uu dowladda federaalka kala hadlayo sidii uu garab ugu siin lahaa in ay soo iibsato hubkii ugu horeeyay bisha Diseembar ee sanadkan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar aan fogeyn Sucuudiga u magacaabay safiir nin gacantiisa midig ah, taas oo la sheegay in ay ka turjumayso muhiimadda uu yeelanayo xiriirka labada dal.

Dowladahan Carbeed ayaa hadda kusoo baraarugay mudnaanta Soomaaliya ee dhanka Badda Cas oo hadda uu ka jiro qalalaasihii ugu weynaa. Waxay rabaan in ay dhinac kasoo fariistaan miiska looga hadlayo qaddiyadan, oo saamayn toos ah oo taban ku yeelatay dhaqaalahooda iyo amnigooda. 

Amniga Badd Cas ayaa waxaa qalqal ku haya kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen oo weeraro la beegsanaya qaar ka mid ah maraakiibta Reer Galbeedka ee halkaas mara, ayaga oo sheegay inay ugu hiilinayaan kooxda Xamas ee dagaalka kula jirta Israel.