Sacuudiga oo shardi cusub ku xiray xiriir uu la yeesho Israel

Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Israel ku xirtay in la hirgeliyo hanaanka laba waddan oo jar ah oo ay kala yeeshaan Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Arrintaan oo uu shaaciyay diblomaasi u dhashay Sacuudiga, isaga oo sheegay in dalkiisu uu xiriir caadi ah la samaysan doono Israel haddii ay dhabowdo hannaanka labada waddan.

Safiirka Sacuudiga ee Britain Amiir Khalid bin Bandar ayaa sidoo kale u sheegay Idaacadda BBC 4 in boqortooyada Sacuudigu ay doonaysay nabad ay la gasho Israel tan iyo hindisaha nabadeed ee Carabta ee 2002-dii balse aysan noqon doonin “mid wax u dhinta shacabka Falastiin”.

Waxa uu sheegay in wax badan doonayeen inay aqbalaan Israel, hase yeeshe aysan la noolaan karin Israel iyada oo aan la unkin dowlad reer Falastiin ah, ayuu ku yiri wareysigaasi.

“Dagaalka Gaza ka hor Sacuudiga waxa uu ku dhowaaday in xiriirka la caadiyeeyo Israel, waxaana ku dhawaanay in la sameeyo dowlad reer Falastiin ah,” ayuu yiri Amii bin Bandar isaga oo carabka ku adkeeyay in midkoodna uusan imaneyn kan kale la’aantiis.

Bartamaha sanadkii tegay ayey aheyd markii Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay hakisay wada-hadallada ku saabsan in ay caadiyeyso xiriirka Israel, xilli uu socdo dagaalka u dhexeeya Israel iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.

Boqortooyada Sacuudiga oo ah halka ay ku yaalaan goobaha ugu barakeysan Islaamka ayaan waligeed aqoonsanin Israel, kumana jirto heshiiskii Abraham ee uu 2020-kii Mareykanka dhex-dhexaadiyey, kaasi oo dalalka Khaliijka ee ay jaarka yihiin ee Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale Morocco ay xiriir rasmi ah la sameysteen Israel.

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilihii la soo dhaafay si weyn ugu dadaalayay in Sacuudiga uu qaado tilaabadaasi oo kale, taasi oo loo arko xilligaan mid aan sahlaneyn.

Si kastaba, Riyadh ayaa tan iyo markaas kolba soo bandhigaysay shuruudaha ay ku beddelanayso in ay caadiyeyso xiriirka Israel.