Saddex arrin oo dunida ka dhici kara oo laga digay

New York (Caasimada Online) – Madaxa Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ka digay in haddii aan la helin balaayiin doollar oo lagu quudiyo malaayiin qof oo baahan ay dunidu 12-ka ilaa 18-ka bilood ee soo socda arki doonto tahriib xad-dhaaf ah, xasillooni-darro ka dhacda dalalka, caruur iyo waayeel gaajoonaya.

David Beasley ayaa Mareykanka iyo Jarmalka ku ammaanay in ay kordhiyeen lacagaha ay bixiyeen sanadkii hore, waxaana uu ku boorriyay Shiinaha, dalalka Khaliijka, bilyanneerada, iyo dalalka kaleba in ay iyana kor u qaadaan kaalmada ay bixiyaan.

Wareysi uu bixiyay ka hor inta uusan xilka hay’addan ugu weyn ee gargaarka toddobaadka soo socda ku wareejin safiirka Mareykanka Cindy McCain, ayuu guddoomiyihii hore ee gobolka South Carolina ku sheegay in uu “si aad ah uga walwalsan yahay” in WFP aysan heli doonin lacag gaareysa 23 bilyan oo doollar oo ay sanadkan u baahan tahay si loo caawiyo 350 milyan oo qof oo si quus ah ugu baahan raashin kuwaasi oo ku kala nool ilaa 49 dal oo caalamka ah.

Waxa uu sheegay in haddii ay u badato ay soo xaroon doonto 40 boqolkiiba lacagtaasi marka loo eego sida ay hadda wax ku socdaan.

WFP ayaa qalalaasahan oo kale wajahaysay sanadkii hore, balse nasiib wanaag madaxa WFP ayaa awooday in uu ku qanciyo Mareykanka in uu dhaqaalaha uu bixiyo ka badiyo 3.5 bilyan oo uu gaarsiiyo 7.4 bilyan, halka Jarmalkuna uu ka kordhiyay 350 milyan uuna gaarsiiyay 1.7 bilyan uu doollar, laakin waxa uusan hubin in ay sidaasi mar kale sameyn doonaan sanadkan.

Waxa uu sheegay in dalalka kale ay u baahan yihiin in ay kordhiyaan kaalmada, iyadoo Shiinaha oo ah dalka labaad ee dunida ugu dhaqaalaha badan uu sanadkii hore siiyay WFP kaliya 11 milyan oo doollar.

Beasley ayaa ku ammaanay Shiinaha guusha uu ka gaaray in uu gaajada si aad ah uga yareeyey gudaha dalkiisa, laakin waxa uu sheegay in sanadkii hore uu Shiinuhu bixiyay wax ka yar 20 senti halkii qof, halka Mareykanka oo ah dalka ugu dhaaqalaha weyn caalamka uu isla sanadkaasi bixiyay lacag dhan 22 doollar qofkii.

Beasley ayaa sheegay in Shiinuhu uu “shaqqa aad u muhiim ah ka qabtay quudinta dadkiisa, haddana aan u baahannahay caawimaaddiisa qeybaha kale ee dunida” gaar ahaan dalalka saboolka ah ee Afrika.

Agaasimaha guud ee WFP ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha looga baahan yahay in ay mudnaanta siiyaan baahiyaha bini’aadantinimo ee saamaynta ugu wayn ku yeelan doona xasilloonida bulshooyinka caalamka.

Waxa uu si gaar ah u tilmaamay dhowr goobood oo ay tahay in mudnaanta la siiyo sida gobolka Saaxil ee Afrika iyo bariga Afrika oo ay ku jiraan Soomaaliya, waqooyiga Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya; sidoo kale Suuriya oo saamaysay Urdun iyo Lubnaan; iyo Bartamaha iyo Koonfurta Ameerika oo tirada dadka u soo haajiray Mareykanka ay hadda shan jeer ka badan tahay sidii ay ahaan jirtay sanad iyo bar ka hor.

VOA + AP