Saddex ARRIN oo weyn ka ogow madaxweyne Xasan Sheekh iyo xiisadda dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq la xiriira dhameystirka dastuurka ayaa ku billowday nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa kusoo ololeeyay inuu dhameystiri doono geedi socodka dastuurka, oo soo jiitamayay waqti dheer.

Si taas lamid ah dhamaan musharaxiintii kale ee raadinayay kursiga yaalla Villa Somalia waxay ballan-qaadkooda ku dareen in haddii la doorto ay dhameystiri doonaan dastuurka.

Horraanta bisha Janaayo ayaa la filayaa in cutubyada ugu horreeya ee dastuurka la geeyo Golaha Baarlamaanka, halkaasi oo ay Xildhibaannada uga doodi doonaan.

Haddaba, saddex dhinac aan ka eegno arrimaha taagan.

Xaqqa madaxweynaha

Dhameystirka dastuurka waa shaqo Soomaaliyeed sida uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh ka hor sheegay Golaha Baarlamaanka.

Horay madaxweynaha ayaa la sheegay inuu guddiyada gacanta ku haya dastuurka uga joojiyay inay dalka dibaddiisa uga hadlaan dhameystirka dastuurka. Xasan Sheekh wuxuu fulinayaa mid kamid ah ballan-qaadyadiisa ahaa inuu dhameystiro dastuurka.

Halkaas marka laga eego madaxweynaha wuxuu haysta jid la wada yaqaano, fulinta qodob kamid ah sababihii codka loo siiyay iyo xaqiijinta mid kamid ah qodobadii uu qabyada uga tagay.

Su’aasha ah xaq ma u leeyahay madaxweynaha inuu dhameystiro dastuurka? Jawaabteedu waa Haa balse dhinaca kale waxaa jirta laba arrimood oo aan laga boodi karin marxaladan.

Goorma la dhameystiraya dastuurka?

Waqtigu waa muhiim iyada oo khilaaf siyaasadeed jiro, Puntland ay maqan tahay, Somaliland aan xal loo helin, qabaa’ilkuna ay weli is iimaansan waa adag tahay in la dhameystiro dastuurka.

Kooxaha dhaliilsan shaqadan waxay ku doodayaan in marka xal loo raadiyo muranada siyaasadda, maqnaashaha Puntland iyo macnaha Somaliland.

Si kale markii loo dhaho, maadaama dastuurka uu yahay heshiis bulsho waa in la hela madal loo dhan yahay iyo marxalad raali la iskaga yahay, si ay berri dhaqan-gelintiisu u sahlanaanto.

Qaabka dhameystirka

Madaxweynaha wuxuu rabaa in dastuurkani cadeeyo in dalka ka guuray nidaamkii baarlamaaniga ahaa, una guuray nidaam Madaxtooyo.

Soomaaliya tan iyo 1960-kii shacabka ma dooran madaxweyne ee waxay dooran jireen wakiiladda baarlamaanka, kuwaasi oo iyaguna dooran jiray madaxweynaha, kaas oo isagna soo magacaabi jiray ra’iisul wasaaraha.

Haddii la aadayo hanaan ah inay shacabka soo doortaan madaxweynaha, oo laga guurayo kursiga ra’iisul wasaaraha, oo la qaadanayo madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa, oo muddo xileedka laga dhigaayo 5 sano, sidoo kalena laga takhalusayo hanaanka 4.5 waxaa loo baahanaya heshiis siyaasadeed, taasina waa ka guda weyn tahay awoodaha Baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa laga rabaa inuu la yimaado heshiis siyaasadeed, inta uusan raadin gacan taaga Baarlamaanka, si arrintu u fududaato. Waxa kale oo muhiim ah in la cadeeyo xilliga ay qoddobadan dhaqan-galka noqon doonaan.

Ma inta lagu jiro muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la dabaqi doona qoddobadan haddii dastuurka la dhameystiro mise waxa ay ka bilaaban doonaan dowladda xigta iyo muddo xileedka dambe. Arrimahan waa kuwo u baahan in si dhab ah loo cadeeyo.

Si guud shaqada dhameystirka dastuurka waa howl wanaagsan, laakiin nidaamka tallada haya waxaa laga rabaa inay xikmad ku wajahaan doodaha hareer yaalla dhameystirka dastuurka, si uu go’aanka berri u noqdo mid Soomaaliyeed oo dhaqan-gal noqon kara.