Sawirro: Duqa Muqdisho iyo hay’adaha amniga oo kulan ka yeeshay dhibaatadii shalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Laamaha Amniga Gobolka Banaadir, si wax la isaga weydiiyo dhibaatadii shalay loo geystay Cayaartoyda Koonfur Galbeed.

Shalay Makhribkii markii ay soo dhamaatay cayaartii Galmudug ay kaga badisay Koonfur Galbeed, taageerayaal careysan ayaa Muqdisho ku weeraray ciyaartoyda K/Galbeed, waxaana halkaas lagu dhaawacay lix ka mid ah, labo wiil ayaa la sheegay inay qabaan dhaawacyo culus.

Kulankaas ayaa looga hadlay sugida amniga xulalka ka qeybgalaya tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka, bad-qabka muwaadiniinta u daawasho taga cayaaraha iyo in si guud xil la isaga saaro sugida amniga Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa masuuliyiinta amniga faray in falkii shalay dhacay mid lamid ah uusan soo laaban, isla markaana masuuliyad dheeraad ah la iska saaro sugidda amniga ciyaartoyda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in laamaha amniga uu waajib ka saaran yahay sugida Amniga muwaadinka Soomaaliyeed, asigoona dhinaca kale xusay in ciyaaruhu ay yihiin isdhexgal bulsho, taageerayaashana looga baahan yahay in ay dhowraan anshaxa cayaaraha.

Caro xoog leh ayaa ka dhalatay weerarkii shalay lagu qaaday ciyaartoyda K/Galbeed, waxayna Koonfur Galbeed ka hartay tartanka ciyaaraha ee ka socda Muqdisho.

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku metela deegaanada Koonfur Galbeed ayaa caawa la hadlay warbaahinta, iyagoo shaaciyey go’aan ay ku soo gaareen shirarkii Muqdisho uga socday xalay ilaa maanta.

Shalay Makhribkii markii ay soo dhamaatay cayaartii Galmudug ay kaga badisay Koonfur Galbeed, taageerayaal careysan ayaa Muqdisho ku weeraray ciyaartoyda K/Galbeed, waxaana halkaas lagu dhaawacay lix ka mid ah, labo wiil ayaa la sheegay inay qabaan dhaawacyo culus.

Xildhibaanada metela K/Galbeed oo caawa mid mid warbaahinta ula hadlay markii ay kulamadoodu u soo dhamaadeen ayaa sheegay inay diyaariyeen Mooshin ay ka dhan ah weerarkii lagu qaaday ciyaartoyda Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada ayaa mooshinkaas ka geynaya masuuliyiinta hey’adaha amniga iyo wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha, iyagoo sheegay in Mooshinkaas ay baarlamaanka geynayaan maalinta Isniinta ah ee todobaadkaan.