Sawirro: In ka badan boqol arday oo ka qalin-jebisay Jaamacadda HORMUUD

Muqdisho (Caasimada Online) –  In ka badan 100 arday oo dhamaystay waxbarashada heerka labaad ayaa maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Hormuud oo kaashaneysa Jaamacadda Lincoln University College ee dalka Malaysia.

Xafladda qalin jabinta oo ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay aqoonyahanno ka socdo Jaamacadaha kala duwan ee dalka.

Ardayda qalin jabisay ayaa waxaa intii ay socotay xafladda a guddoon siiyey shahaadooyinka qalin jabinta, waxaana wajiyadooda ka muuqatay farxad.

Madaxdii kala duwaneyd ee hadalka ka jeediyey xafladda ayaa ardayda qalin jabisay ugu baaqay inay umadda Soomaaliya iyo dalka ugu adeegaan wixii ay soo barteyn.

Qaar ka tirsan ardayda qalin jabisay oo iygana hadal laga siiyey xafladda qalin jabintooda ayaa Jaamacadda Hormuud uga mahadceliyey fursadda ay u siisay inay Jaamacadda Lincoln University College wax ka bartaan iyagoo ku sugan Soomaaliya.

Jaamacadda Hormuud waxay Program-kaan bilawday bishii February sanadkii 2014 waxaana ka qalin jabiyay in ka badan 900 oo arday oo fursadaan waxbarashada ka faa’ideystay iyagoo ku sugan gudaha Soomaaliya.