26.6 C
Mogadishu
Saturday, June 7, 2025

Sawirro: Shirweyne qaran oo maanta ka furmay Muqdisho + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh kor u qaadista wacyiga la xiriira arrimaha deegaanka iyo wax ka qabashada saamaynta isbeddelka cimilada ee sii kordhaysa.

Mudane Saalax ayaa furitaanka shirweynaha ka jeediyay khudbad dhaxal gal ah, isagoo hoosta ka xarriiqay in ilaalinta deegaanka ay tahay mas’uuliyad qaran oo saaran dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu caddeeyay in ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ay tahay tiir muhiim u ah horumarka iyo badbaadada jiilasha soo socda.

Sidoo kale waxa uu adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah loo shaqeeyo, loona midoobo hirgelinta deegaan cagaaran oo waara, si Soomaaliya ay uga mid noqoto dalalka ka jawaabaya caqabadaha isbeddelka cimilada, isagoo ku booriyay dhammaan qeybaha bulshada in ay door ku yeeshaan dadaalladaas.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in isbeddelka cimilada uu yahay dhibaato ba’an oo saameysay guud ahaan dunida, gaar ahaan dalalka nugul ee aan haysan awoodaha lagama maarmaanka u ah la-qabsiga xaaladaha cimilada. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay si gaar ah u dareemayso culeyska isbeddelkaasi.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda in looga baahan yahay dhammaan hey’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, iyo daneeyeyaasha kale inay si dhow u wada shaqeeyaan si loo helo qorshayaal wax ku ool ah oo looga hortago saameynta isbeddelka cimilada, loogana shaqeeyo badbaadinta deegaanka.

Shirweynahan ayaa fursad u ah in laga wada-hadlo xal u helidda caqabadaha deegaanka iyo cimilada, iyadoo saldhig u noqon karo iskaashi qaran oo waara, si loo helo mustaqbal deggan, oo ku dhisan ilaalinta deegaanka iyo la-qabsiga cimilada is beddeleysa.

- Advertisement -

Read more

Local News