Sawirro: Xildhibaan Saadaq Joon oo maanta loo doortay gudoomiyaha guddi muhiima

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga saaxiibtinimada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho ku doortay guddoon cusub.

Doorashada oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay u dhacday qaab gacan taag ah, waxaana guddoomiyaha guddigaan loo doortay Xildhibaan Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Sadaq Joon).

Sidoo kale waxay xubnaha guddiga saaxiibtinimada labada Aqal ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga u doorteen guddoomiye ku-xigeen Senator Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, halka ay xoghaye u doorteen Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macalin.

Xubnaha la doortay ayaa balan-qaaday in ay ku dadaali doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Guddiga saaxiibtinimada labada Aqal ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horraantii sanadkaan magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Guddigan ayaa waxay ka shaqeyn doonaan xiriirka iskaashi iyo saaxiibtinimada labada Baarlamaan, waxaana guddigaan uu ka kooban yahay 15 xubnood oo isugu jira labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.