Senator Faroole oo digniin culus kasoo saaray qorshe uu wado Saciid DENI

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa digniin culus kasoo saaray qorshe uu sheegay inuu wado madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Senator Faroole ayaa waxa uu Saciid Deni uga digay inuu furo dastuurka maamulkiisa, taasi oo uu sheegay inay cawaaqib xumo ka dhalan karto furitaanka dastuurka maamulkaasi, xilli ay Puntland ku sugan tahay marxalado siyaasadeed oo xasaasi ah.

“Waxaan rumeysanahay Dastuurka la fara fareeyo iyadda oo dowladda waqtigeeda ay ka hareen bilo inay keeni karto dhibaato aan hadhow laga bixi karin. Waxyaabo kale oo badan ayaa la isku haystay; doorashada nooceeda sax ma tahay, iyadda oo aan la dhameyn iyo wixii horey uga dhacay saddexdii degmo, marka haddii wax kale lagu sii daro harti caloosha laga raray bay noqoneysa,” ayuu yiri.

Faroole oo hoggaamiye ka ah urur siyaasadeedka mucaaradka ah ee Horseed ayaa waxa uu sheegay in xilligaan aysan jirin daruufo aan laga fursan karin oo qasbaya in dastuurka la furo, isaga oo ka horyimid in dano shaqsi ah loo furo dastuurka Puntland, islamarkaana wax ka bedel lagu sameeyo qoddobada qaar.

“”Dowladda uu madax ka yahay Saciid Cabdullaahi Deni haka waantowdo. Wixii dhibaato ah ee ka yimaadda hadhow iyadda ayaa masuul ka noqoneysa, waxaa leeyahay dadka dalka u dhashay ee wixii la doono la iska marsado wax dib ka xumaan doono horey yaan loo taaban.”

Faroole ayaa waxa uu ku eedeeyay Saciid Cabdullaahi Deni inuu tallaabadan u qaadayo “danaha sii joogitaanka kursiga madaxweynaha awgeed,” taasi oo uu sheegay inay dhibaato horleh u horseedi doonto maamulka Puntland, haddii aan laga joogsan.

Hadalkaan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayay wararka sheegay damaca madaxweyne Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, kadib kulan xasaasi ah oo uu la yeeshay ururada siyaasadda.

Saciid Deni ayaa dhawaan waxa uu isugu yeeray ururada siyaasadda, isaga oo kala hadlay furitaanka dastuurka maamulka Puntland, si ururada kusoo baxaya doorashooyinka dowladaha hoose looga dhigo shan, halka dastuurka uu qorayo saddex urur siyaasadeed.

Si kastaba, Madaxweyne Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.