Shan fasiraad oo laga bixiyay kulankii Xasan Sheekh iyo Farmaajo ee Qatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Dooxa ee waddanka Qatar ayaa la kulmay madaxweynihii uu tallada kala wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waa kulankoodii koowaad tan iyo markii uu Farmaajo xilka wareejiyay. Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalmihii dambe waxa uu saldhiga ka dhigtay magaalada Dooxa ee waddanka Qatar.

Villa Somalia waxay sheegtay inuu Xasan Sheekh la wadaagay Farmaajo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa waxaa laga bixiyay illaa shan fasiraad, kuwaasi oo kala ah;

1. Tixanaha is-booqashada: Farmaajo markii uu xafiiska joogay booqasho uu ku tagay magaalada Ankara ee waddanka Turkiga ayuu dhinaca kale booqday Xasan Sheekh oo markaas deganaa magaalada Ankara.

Tani waa qeyb kamid ah in madaxda Soomaalida aanay is inkirin oo ay is booqdaan markii dibadda ay joogaan wallow aad loo dhaliilo is aragooda marka gudaha la wada joogo.

2. Farriin ku socota Jamaahiirta labada hoggaamiye: Kulankaan gaarka ah wuxuu imanaya iyada oo dalka ka dhacday doorasho dhib badan laga maray oo gaartay in hub la isku adeegsado.

In labada hoggaamiye u muujiyeen Jamaahiirtooda in loolanku ku eegyahay maalmaha kursiga la isku haysto ayuu keenaya kulankan ayay leeyihiin fallanqeeyayaashu.

3. Farmaajo iyo dagaalka Al-Shabaab: Dad badan ayaa duray qeyb kamid ah farriinta Villa Somalia ee ah inuu Xasan Sheekh uga warbixiyay Farmaajo halka uu marayo dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

Dadku waxay leeyihiin Farmaajo wax weyn uguma fadhiyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo isaga ayaa qaadi lahaa haddii ay taasi ahmiyad u leedahay.

4. Dowladda Qatar iyo kulanka labada hoggaamiye: Dowladda waddanka Qatar oo isku diyaarineysa wajiga cusub ee la-macaamilka Soomaaliya wax weyn ayay u tahay inay aragto in madaxda Soomaalida loolankooda uusan xadka dhaafin oo ay leeyihiin biseyl iyo is-aqbalid. Waxay ku dhiirigelinaysa ayaa la leeyahay xoojinta wajiga cusub ee cilaaqaadka Soomaaliya.

5. Laba weerar kadib iyo laab furnaanta Xasan Sheekh: Iyada oo la xasuusto in dowladdii Farmaajo ay laba jeer weerar hubeysan ku qaaday Xasan Sheekh.

Mar hoteelkii Maa’ida, marna guriga uu ka deganaa aagga Mirinaayo, haddana in marka aad xukunka hesho aad iska ilowdo nabaradii uu nidaamkii hore ku geystay waa wax uusan qof walba awoodin ayay dadka uga falceliyeen booqashada uu Xasan Sheekh ugu tegay Farmaajo.