Sharci yaqaan sharaxaad ka bixiyey is-waafajinta qodobka 59-aad ee dastuurka iyo xilka loo magacaabay CC Shakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shakay u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ayaa loo xil saaray inuu heer qaran, heer gobol iyo calami intaba kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso iyo daneeyayaasha kale, si loo helo xal waara oo lagu yareeyn karo, loogana gudbi karo saameynta abaaraha.

Hase yeeshee, magacaabistan ayaa waxaa ka dhashay su’aalo sharciyeed oo ku saasban sida ay isu waafaqi karaan xilkan iyo midka xildhibaannimada baarlamaanka ee uu horay u hayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Sababta keentay su’aashanna waa in dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya uu dhigayo in waxyaabaha uu xildhibaan kasta ku waayi karo kursigiisa ay ka mid tahay in uu aqbalo xil aan wasiirnimo ahayn.

Su’aashan waxaan u bandhignay Abuukaate Zakariye Yuusuf, oo ah aqoon yahan ku xeel dheer cilmiga sharciga, ahna falanqeeye. 

“Qodobka 59-aad ee dastuurka ku meel gaarka ah ayaa sheegaya waxa uu xildhibaanka ku waayi karo xilka, mana ku jirto in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu kursiga ku waayi karo howsha maanta loo xil saaray. 

“Xafiiskan waa mid aan rasmi ahayn. Waa ergay, waxa uuna wakiil u yahay Madaxweynaha oo qof kasta wakiil ka dhigan kara, ha ahaado xildhibaan ama qof shacab caadiga ah ka mid ah. Waa xafiis aan maamul ku dhisnayn,” ayuu yiri Abuukaate Zakariye Yuusuf.

“Ergay Af-Soomaaliga waxaa lagu dhahaa qof la dirsaday oo arrin gaar ah loo wakiishay, ama arrin laga codsaday inuu dhexdhexaadis ka noqdo ilaa xad,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Muxuu dhigayaa qodobka 59-aad ee Dastuurka?

Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayaa faahfaahin ka bixiyay arrimaha keeni kara in uu mudane waayo xilkiisa baarlamaanka. Sidoo kale isla qodobkaas gudihiisa ayaa lagu sharraxayaa tallaabada xigta iyo sida loo buuxin karo booskaas haddiiba ay dhacdo inuu xildhibaankii meesha ka baxo.

Qaybta hore ee qodobka 59-aad, oo qeexaysa sababaha xil waayidda ayaa dhigaysa in ilaa lix qaab lagu lumin karo kursiga.

(1) Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa:
(a) Xubinta oo Geeriyoota
(b) Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah.
(c) Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado.
(d) Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.
(e) Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn
(f) Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad sharciga

2- Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore ku xigey.

3- Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin- sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo maalinta xildhibaanka uu beddelayaa lumiyey xubinnimada Baarlamaanka.