Sharciga NISA oo Aqalka Sare la horgeeyay – Maxaa dhacay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Aqalka Sare ayaa waxaa la hor-geeyay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kaasi oo uu horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayaa sidoo kale waxaa dhawaan meel-mariyay Golaha Shacabka, ayada oo marsiiyeen illaa saddex akhrin oo ay uga doodayeen sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA.

Kulanka maanta ee Aqalka Sare ayaa waxaa sharcigan lagu marsiiyay akhrinta koowaad, ayada oo kadib guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim uu faray guddiga golaha ee shaqada sharcigan u xilsaaran ay la wareegaan sharcigaas kana soo shaqeeyaan.

Wasiiru-dowlaha amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo golaha khudbad ka jeediyay ayaa sharaxaad ka bixiyay ahmiyad ay leedahay in 53 sano kadib ay NISA yeelato sharci rasmi ah.

“Faa’iidada uu sharcigan leeyahay waa in lala xisaabtami karo hay’adda, qoddobada ugu muhiimsan ee sharcigan tilmaamayo waxa kamid ah in hay’adda aysan qofka hayn karin 48 saac kabadan, in hay’addu ay xiri karin qofna waaran maxkamadeed la’aan iyo in hay’addu aysan yeelan karin xabsiyo qarsoodi ah oo dadka ku xirto,” ayuu yiri.

“Qoddobadan waa kuwii ku suntana tacadiyadii lagu geystay magaca hay’add, sidaas darteed ayaa sharciga loogu cadeeyay in laga saaray si aad uga xisaabtantaan idinka iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale waxa uu mudaneyaasha golaha ka codsaday in ay sharcigan siiyaan kalsoonidooda, si uu unoqdo mid dhaqan-gala oo ay hay’addu ku shaqeyso.

“Waxaa maanta haysana fursad qaali ah oo aynu mustaqbalka dalkeena ugu horseedi karno nabad, barwaaqo iyo horumar. Haddaba si aan yoolka u gaarno waxa loo baahan yahay in aan seeska iyo salka u dhigno sharciyadii ay ku dhismi lahayd dowladnimada cusub ee Soomaaliya.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa taariikhda ku gali doontaan la idinkuna xasuusan doonaa in aad noqon doontan kuwii u horeeyay ee hay’addan sharci u sameeya.”