Maxay tahay arrinta ay QATAR diidan tahay ee hareysay shir-madaxeedka J/Carabta?

Jeddah (Caasimada Online) – Madaxda dalalka xubnaha ah ka ah ururuka Jaamacadda Carabta ayaa waxay maanta kulankoodii 32-aad ku leeyihiin magaaladda Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Madaxda ka qeybta ah shirkaan ayaa waxaa kamid ah madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo lagu gorfeynayo qadiyadaha wada-jirka ah ee ay wadaagaan dalalka Carabta iyo arrimaha Gobolka.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu la wadaagi doona Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda dalalka Carabta xaaladda Soomaaliya, guulaha laga gaaray dowlad-dhiska, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Shirkan ayaa waxyaabaha ku cusub qeyb ka ah ka qeyb-galka madaxweynaha dalka Syria, Dr. Bashaar Xaafid Al-Asad oo dalkiisa dibad-joog ka ahaa xayndaabka carbeed, tan iyo sanadkii 2011-kii oo ay dalkaasi ka billowdeen dibadbaxyo isku bedelay dagaal lagu hoobtay.

Axmed Abu Qeyd oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu sheegay in shirka carbeed ee Jeddah muujinayo soo-laabashada buuxda ee dalka Syria ee ururka carbeed.

Xoghayaha ururka ayaa tallaabadan waxa uu ku tilmaamay mid fududeynaysa xalka colaadda ee ka jirta dalka Syria.

Ka qeyb-galka Bashaar ee shirkaan ayaa waxaa ka dhashay guux xooggan, ayada oo la sheegay in dowladda Qatar ay ka biyo diidsan tahay inuu madaxweynaha dalka Syria dib uga soo muuqdo madasha shirka madaxda Carbeed.

Mana muuqato inuu Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim uu kaga soo qeyb-geli doono shirka Jeddaha ka furmaya, ee u madlan yihiin madaxda ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta.

Dhanka kale, Dowladda Lubnaan oo aan weli la dooranin Madaxweyne cusub ayaa waxaa marnaan doona kursiga maamuuska madaxweyne ee shirkaasi.

Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa sheegay inay madaxda carbeed ansixin doonaan 32-mashruuc, oo qaraar horyaalla shirkooda 32-aad, kuwaasi oo kamid yihiin;

  • Qaddiyadda Falastiin iyo Dhacdooyinkii Israel ka geysatay deegaanada Marinka Qasa iyo Daanta Galbeed
  • Xiisadaha colaadeed ee ka socda dalka Sudan Sudan dadaalka socda ee Carbeed ee lagu gaari lahaa Xabbad-Joojin waarta oo ka dhaqan gasha caasimadda dalkaasi ee Khartoum.
  • Ku-soo-laabashada Syria ee ururka Jaamacadda Carabta iyo doorka Carbeed ee dib–u-dhiska dalkaasi ku burburay dagaallada
  • Xaalladda dalka Lubnaan, marnaanshaha xilka madaxweyne xaallada dhaqaale ee dalkaasi iyo xaallada Maciishad ee ay ku sugan yihiin Qaxootiga Suuryaanka iyo Falastiiniyiinta.
  • Waxa kale oo ay ka arrinsan doonaan xaalladaha ka taagan dalalka Yemen, Somalia iyo Libya.
  • Sidoo kale waxay diiradda saari doonaan qoddobo ku xiriirsan iskaashiga dhaqaalaha, arrimaha bulshada, isbedelka cimilada iyo amniga guud ee qowmiyadda Carbeed.