Sidee ayey ISRAEL uga bad-baadisay QATAR shirqoolkii Sacuudiga iyo Imaaraadka?

Doha (Caasimada Online) – Khilaafka Bariga Dhexe ee u dhexeeya Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn, iyo Masar oo isku dhinac ah iyo Qatar ayaa qarxay bishii June sanadkii 2017-kii, xilligaas oo wadamadaasi ay go’adoon ku soo rogeen dalka Qatar, iyagoo ku eedeeyay in ay taageero siisay Xamaas iyo argagixisadda.

Wixii ku xigay aad ayaa loo ogyahay. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bar-bar istaagay Qatar, wuxuuna kulamo la yeeshay madaxda Ururka Iskaashiga Islaamka, isagoo ku booriyay in aan lagu dhicin xasaradaha, isla markaana aan lala safan qorshaha ka dhanka ah Qatar.

Erdogan waxaa uu sidoo kale ciidan Turki ah geeyay Qatar, taasi oo qayb ka ahayd istiraatiijiyadda ka hortagga ee ka dhanka ah Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Iran ayaa sidoo kale dhaqaalaha Qatar ka badbaadisay in uu burburo, iyadoo hawadeeda u furtay diyaaradaha siday adeega iyo badeecada markii uu billowga ahaa go’adoonku.

Lakiin arrinta aan aad loo fahamsaneyn ayaa ah in Israa’iil ay sidoo kale door ka cayaartay xasilinta khilaafka, ayna bad-baadisay Qatar. In kastoo labada dal aysan lahayn xiriir diblomaasiyadeed tan iyo sanadkii 2012-kii, Israa’iil waxay Doxa u fidisay kaalmo diblomaasiyadeed, iyadoo kordhineysa dhismaha ay ka waday Gaza, taasi oo sidoo kale bedeshay aragtidii Washington ay ka qabtay in Qatar ay taageerto Xamaas.

Dhamaan dalalkaasi waxay si fiican ula shaqeeyeen Istaatiijiyadda diblomaasiyadeed ee maamulka Trump uu ka leeyahay khilaafka gobolka. Bishii June sanadkii 2017-kii Madaxweyne Donald Trump oo tilifoonka kula hadlay Boqol Salmaan-ka Sucuudiga ayaa ka diiday soojeedintii Sucuudiga ee ahayd in lagu duulo Qatar. Muddo yar kadib Maraykanka ayaa Kuwait ka dalbaday in ay dhex-dhexaadiso dalalka, iyadoo hadafku uu ahaa in khilaafka lagu xaliyo Golaha Iskaashiga oo Gacanka dhexdiisa ah.

Israa’iil ayaa xilligaas waxaa ay diiday hindise sharciyeed ay Congress-ka Maraykanku doonayeen in ay Qatar ugu aqoonsadaan wadan maal-geliya argagixisadda, sababtoo ah xiriirka ay la leedahay Xamaas.

Isla waqtigaas Israa’iil waxay kordhisay iskaashiga dadban ee ay la leedahay Imaaraadka oo ah cadowga Qatar ee gobolka, Iskaashigaas waxaa ka mid ahaa kulan ay Washington ku yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Safiiradda Imaraadka iyo Baxreyn. Xiriirka Israa’iil ay la leedahay Imaaraadka ayaa banaanka usoo baxay, iyadoo Israa’iil ay adkeysay xiriirka kala dhexeeya Abu Dhabi ayey hadana gacan nabadeed u fidisay Doxa.

Dadka wax indho-indheeya waxay u arki karaan in faro gelinka Israa’iil ay tahay wax aan lasoo dhaweyn, laakiin dhabtu waxay tahay in dalalka isu-bahaystay Qatar ay saacideen halganka ay Israa’iil ka dhex wado Carabta, iyagoo dirradda saaraya xiriirka Qatar iyo Xamaas si ay taageeradda Trump ugu helaan Go’adoominta Qatar.

Israa’iil waxay saaxiib la aqbali karo u ahayd Imaraadka, Qatar iyo Cummaan sababtoo ah saameynta ay ku leedahay Washington darteed iyo awooda ay u leedahay in ay miisaanto awoodda gacanka.

Inkastoo ay isu-soo dhawaanayaan Israa’iil iyo dalalka Gacanka, taas ma aysan sababin cabsi laga qabo Iran, balse waxaa sababay khilaaf ka dhex jira Golaha Iskaashiga Gacanka dhexdiisa.

Israa’iil waxay muujisay in ay dheeli-tiri karto awoodda Gacanka. Waxayna isu bedeshay saaxiib ay isku haleyn karaan Imaaraadka, Qatar iyo Cummaan.