Sidee Farmaajo uga faa’iiday siyaasadiisa aamusnaanta?

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu mar kale u tartami doonaa xukunka dalka, waxayna noqon doontaa markii seddexaad oo uu tartamayo. Halmar isagaa adkaaday, marna waa laga adkaaday labadii doorasho ee uu horey usoo galay, wuxuuna damac uga jiraa inuu noqdo madaxweynihii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo laba jeer la doorto.

Inuu doorashadan ku adkaan karo shaki badan ayaa ku jira, wuxuuse xambaarsan yahay dabeecad ka duwan musharixiinta kale ee kasoo horjeeda oo la filayo inay ku tartamaan doorashada dhawaan ka dhici doonto Soomaaliya, waana inuu isticmaalay siyaasad aamusan ah.

Waa dhaqan curdun ah oo uu Farmaajo la yimid, dal wax badan uma tari karto dabeecadda noocaan ah, weliba dal dhibaato kasoo kabanaya sida Soomaaliya, balse shakhsiyadda Farmaajo wax badan ayey ka tartay arrintaan.

Sheekadaan waxaan ku eegi doonaa sida uu Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ugu liibaanay siyaasadiisa ku dhisan aamusnaanta.

Farmaajo wuxuu noqday madaxweynihii ugu hadalka yaraa ee qabta Villa Somalia, intuu xafiiska joogay waa kooban yihiin shirarkiisa jaraa’id, khudbooyinkii uu Shacabka u jeediyey iyo wareysiyadii uu bixiyey.

Dowladdiisa waxay inta badan isticmaaleysay wareegtooyin qoran, waxaa in badan caawisay hadal jeedintii joogtada aheyd ee Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, laakin xataa markuu kheyre baxay Farmaajo wuu sii waday inuu afka u xirnaado.

Muxuu ka faa’iday arrintaan?

Farmaajo waxay dabeecadaan hareer marisay eedihii dowladdiisa, markay dowladda qalad ku kacdo inta badan dadka waxay ku doodaan inuusan Farmaajo laheyn dhaqanka noocaan, balse ay dabeecadan tahay mid ka timid dadka ka hooseeya.

Aamusnaantiisa waxa ay keentay in mararka qaar dad kale si aanan fileyn dusha u saartaan eedaha loo heysto xafiiskiisa, wuxuu abuuray dad isku dhigayo eedaha dowladdiisa isaga oo aan hadleyn. Waxaa weli loo arkaa dhibane siyaasadeed, Waxay arrintaan xoogaa u difaacday aragtiisa lagu daday wadaniyadda.

Siyaasadda afgaambnida ku dheehan tahay ee Farmaajo waxay sababtay in la fahmi waayo biyo dhiciisa, waxa uu damacsan yahay iyo cidda uu ogol yahay ama uu diidan yahay.

Inkastoo ay jiraan dad badan oo ka laabtay taageerada aragtida Farmaajiisamka, haddana siyaasadaan aamusan ayaa la aamisan yahay inay Farmaajo u xafiday taageerayaal badan oo illaa maanta ku doodayo inuu Farmaajo yahay hoggaamiye wanaagsan balse uusan weli helin ciddii fahmi laheyd.

Inkastsoo dadka qaar ay arrintaan u sababeeyeen hadal helista oo ku yar, haddana xitaa waxaa yar war-saxaafadeedyada uu soo saaray xafiiskiisa inta uu xilka hayey, waxaa kaloo arrintaan khafiifineysa inuu Farmaajo inta badan hadli jiray wareysiyana bixin jiray markii uu mucaaradka ahaa.

Hadal yarantiisa aad uma caawin bulshada Soomaalida oo u baahan in la jiheeyo, laakiin shakhsiyan waxaa la aamisan yahay inay isaga ka dhigtay siyaasi nadiif ah oo weli rajo iska qaba.

Maamul ahaan dowladdii Farmaajo wax badan ayey ku hafatay, laakiin dulucda sheekadeena waa inuu isaga si shakhsiyan ah ugu liiban inuusan inta badan hadlin.

Tani waa sababta ay weli u jiraan dad badan oo weli aaminsan inuu Farmaajo mudan yahay inuu afar sano oo kale dalka xukumo, waxayna dad badan qabaan inay arrintaan wax badan u tari karto xilligaan oo uu bilowday ololaha doorashada.

Faalladan oo cod ah, hoos ka dhageyso.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid