Sidee looga fal-celiyey go’aankii uu ku dhowaaqay madaxweyne Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii ku dhawaaqay go’aanno ay dowladda ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee mas’uuliyiinta dowladda ay ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka, agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa waxa uu masuuliyiinta dowladda ka mamnuucay inay gaadiid dagaal ku dhex wataan magaalada Muqdisho, sidoo kale hubka culus in lagu dhex qaato Muqdisho ayuu mamcuunay madaxweynuhu.

“Xukuumaddu qaraar waxay ku gaartay magaaladaan hubka lagu dhex wato in la xakameeyo, amni darrada aragtida dadka ayaa ka mid ah, magaalo uu dhex cararaayo gaari Cabdibile ah oo Dhashiike ku xiran yahay cid lagu qanci karo waxaa ka jira amni ma jirto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan  Sheekh.

Madaxweynaha ayaa digniintaan si isku mid ah ugu diray ganacsatada iyo siyaasiyiinta, isagoo sheegay in awaamiir qoran ay dowladu kasoo saari doonto arrimahaan, wuxuuna ku tilmaamay masuulkii diida in gaarigiisa la baaro Shabaab kalkaal.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay go’aanka madaxweynaha?

Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay aragtiyo kala duwan oo ay bulshada Soomaaliyeed ka dhiibatay go’aanadan cusub ee madaxweynaha dul dhigay masuuliyiinta dowladda iyo ganacsatada Muqdisho.

Nuur Axmed Dahir oo kamid ah dadka ka fal-celiyay go’aanka madaxweynaha ayaa waxa uu yiri “Wallaahi Dr Xasan hadalo cad cad oo aan horay loog baran ayuu la yimid runta waa biyo kama dhibcaan, waxaad-ba modaa in uu dareenka shacabka uu ku hadlaayo. Guuleyso mudane madaxweyne quluubta kala jirna.”

“Waxaan idinka fadhinaa inaad fulisaan, amaradaan aad soo rogteen amar dawlo-mudeec waa inuu noqdaa. Waxaan rajeynayaa in tallaabadani wax wayn utarto amniga caasimada iyo guud ahaan dalka Soomaaliya,” ayuu yiri Ilyaas Cumar Ducaysane.

Geelle Gabbane oo isaguna kamid ah dadka ka fal-celiyay go’aanka uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan ayaa waxa uu yiri “Al-Shabaab baa Dekada Muqdisho canshuur ka qaado oo hub iyo qaraxyada kala soo dago, ayagoo ganacsato iska dhigayo ama si bareer ah oo xoog ah uga soo dagsado. Waaa ceeb inaa sidaan u hadashid, waxa socda wax ka qabo oo Al-Shabaab ka jooji canshuurta ay ka qaado dadka dowlada u shaqeya iyo waxay dekada kala soo dagayaan.”

Cabdiraxmaan Boore Cadow ayaa sidoo kale waxa uu dalbaday in go’aanadda uu ku dhawaaqay madaxweynaha aysan noqon afka baarkiisa ee si rasmi ah loo dhaqan-geliyo, wuxuuna yiri “Waa go’aan cad oo muhiim ah mudane madaxweyne, waana in la helo dhaqan-galkiisi arinkaa aad ayaan usoo dhaweeynayaa, guul iyo gobanimo.”

Aslam Cali Aden “Magaalada Wadada maka almukarama le miyaa mise muqidisho dhan.” – “Askariga wadada markuu maraayo xabada kufuranaayo eedadka qaar dhaawac iyo dhimasho ugeysata maanaga qabtaan waxaan rabnaa amni buuxa Allaha inasiiuo.” ayey tiri Raxmo Ibraahim Nuur.

“Hala joojiyo markaad ledahay madaxwayne waxa ku jirta in aad ogtahay kuwo sameyay arinkaa waa inaad dul dhigta amar ah in uu marayo ciqaab adag hadalkan jilicsan kadaa,” ayuu yiri Maxamed Zimba oo ku taliyay in si adag loola dhaqmo dadka hareer maraha go’aannada uu ku dhawaaqay madaxweynaha.

“Mudane madaxweyne adiguna markaad rabtid inaad meel Muqdisho kamid ah booqatid ha xiran wadooyinka ku teedsan nawaxigaas oo buruuftaada ku mar kaliya,” ayuu yiri Maxamed Cabdulqaadir Maxamed.

Ayaan Cumar ayaa iyadna waxay tiri “Madaxweyne Xasan Sheekh waan kugu taageersanahay waana wax wanaagsan go’aankaan aad soo jeedisey ee hirgali. Tan kale waxaan kaa codsaneynaa in ciidamada Soomaliyeed qeybahooda kala duwan aad lacagta u badisid oo mushaarka ugu badan aad siiso si ay daacad ugu noqdaan wadankooda ileyn madaxweyne nin baahan gob ma ahan!.”

“War kaliya wax mataree halagu dhaqmo hadalkaaga madaxweyne,” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo kamid ah dadka ka fal-celiyay go’aanada uu Jimcihii ku ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.