Sidee Mareykanku ku abuuray kumandooska xulka ah ee Soomaaliya, sideese hadda loo maamulaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sanadkii 2013-kii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dooneysay in ay abuurto ciidan argagixiso la dirir ah, si ay u wajahaan Al-Shabaab oo doonaya in ay dowladda talada ka tuuraan. Kadib wadaxaajood ay Soomaaliya la gashay Maraykanka, ciidan gaar ah ayaa la sameeyay sanadkii 2014-kii, magacoodu waa Guutada Danab.

Ciidankaasi waxay heleen sumcad ah ciidanka ugu tayada badan ee Soomaaliya, waxaana maal-geliya Dowladda Maraykanka. Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan wasaaradda Difaaca Maraykanka oo wax badan ka ogaa wadahadaladii lagu dhisay ee Mareykanka iyo Soomaaliya dhex maray, saraakiisha Maraykanka ayaa weli saameyn ku leh qaabka ay hadda u howlgalaan ciidanka Danab.

Markii u horeysay maalgelinta Danab wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa loo soo marsiin jiray, waxana bixin jirtay shirkad military oo gaar loo leeyahay, taasi oo lagu magacaabo Bancroft Global Development. Shaqaalaha Bancroft ee sameeyay Danab ayaa weli tababara, isla markaana la-taliya ciidanka.

Shaqaalaha Bancroft ma wada ahan American, waxaa ku jira kuwo u dhashay Koofur Africa, Ingiriiska iyo kuwo kale oo Europe u dhashay, mana qabto sharciga howlgallada ee military-ga Maraykanka.

Tommy Ross, ku xigeenkii hore ee kaaliya wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in uu u malaynayo in xiriirka u dhexeeya Bancroft iyo wasaaradda arrimaha dibadda uu yahay “wado musiibo”, laakiin walaacaas kama uusan muujin ciidanka Maraykanka ah ee haga Danab.

Ross ayaa sheegay in Bancroft ay shaqooyin kale ku heyso Soomaaliya. “waxaan ka werwersanahay daneysiga jira iyo ka faa’iideysiga cuuryaamin kara siyaasadda Maraykanka iyo danihiisa Soomaaliya” ayuu yiri.

Maal-gelinta wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka weli waa ay socotaa, waxayna sidoo kale kaalmadu ka timaadaa military-ga Maraykanka, qaarkoodna waxaa toos loo siiyaa Danab. Maal-gelintaas waxay hoos tagtaa barnaamijka 127e, oo military-ga Maraykanka u ogolaada in ay ciidanka maxaliga ah u adeegsadaan howlgallada argagixiso la dirirka.

Waxaa intaas dheer, AFRICOM ayaa baaraha guud ee wasaaradda difaaca u sheegay u sheegay in ay fududeeyaan qalabka loo soo iibinayo ama loo geynayo Danab. iyadoo ay indha-indheynayaan qaybta 333-aad, taasi oo ogolaata tababarrada iyo qalabka la siiyo wadamadda shisheeye si loo kordhiyo awoodda ciidamada shisheeye ay u leeyihiin argagixiso la dirirka.

Sida uu sheegay hoggaankii hore ee Danab, maalgelinta tooska ah waxay ciidanka u ogolaaneeysaa in ay deg-deg ula qabsadaan xaaladaha is bedelaya. Ciidanka gaarka ah ee Maraykanka waxay sidoo kale Tababarro siiyaan askarta Danab.

Ugu yaraan hal howlgal oo 12-kii July 2019-kii ka dhacay meel u dhow deegaanka Shanta Baraako ee gobolka Shabeellada Hoose oo Al-shabaab ay ku sugnaayeen, ayey ciidanka Mareykanku goob joog ka ahaayeen markii Danab laba qof oo rayid ah dileen.

Afayeenka taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyay in ciidanka Maraykanku ay joogeen goobta, balse aysan ku lug lahayn dagaal toos ah.

Taliyeyaashii hore ee Danab iyo siyaasiyiin ayaa sheegay in dilka dad shacab ah iyadoo ay goobta joogaan ciidanka Maraykanka iyo kuwa Bancroft aysan joogto ahayn.

Sanadkii lasoo dhafay Danab iyo Maraykanka ayaa lagu eedeeyay waxyeeladda rayidka iyo xarig aan sharci ahayn. Xildhibaan Mahad Dhoore oo kasoo jeeda magaalada Marka ayaa diiwaan geliyay ugu yaraan lix dhacdo oo shacab lagu dilay, isla markaana hanti lagu bur-buriyay.

Waxaa la weydiiyay waxa wadamada Afrika ay u baahanyihiin in ay ogolaadaan marka ciidanka Maraykanku ay dalkooda imaanayaan, waxuuna Xildhibaan Dhoore ku jawaabay “waxay ku xirantahay sharciga wadankaas, haddii uu sharci la’aan yahay sida Soomaaliya, waxaba ma hagaagayaan.”

Awooda Moodeelka ah

Guutada Danab waxay si toos ah shaqada ula wareegeen sanadkii 2015-kii, sida uu sheegay Paul Williams, oo ah professor ka tirsan Jamaacadda George Washington, isla markaana howlaha Danab u baaray sidii ay isugu xigeen. 2017-kii waxay tusaale u noqdeen sida ay ciidan gaar ah ee Soomaaliya u ekaan karaan, kuwaas oo ah ciidan aad u hubeysan, aad u tababaran, oo isku-dhafan, tayona lagu qoray, isla markaana la siinayo mushaar joogto ah.

Danab waxay cayaareen door muhiim ah, iyagoo la safab Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Waa AMISOM.

Howlgal ay qayb ka ahaayeen ciidanka Danab ayaa ku guulleystay in Al-shabaab si nadiif ah looga xoreeyo Bariirre oo ahayd magaalo muhiim u ahayd howlgalka, balse ciidanku waa ay awoodi waayeen in ay sii heystaan. Ugu yaraan 12 askari oo ka tirsan Danab ayaa lagu dilay markii ay Al-shabaab magaaladda dib u qabsadeen dabayaaqadii September ee sanadkii 2017-kii.

Taasi waxay cadeysay meelaha ay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ka nugulyihiin, inkastoo ay Al-shabaab ka saari karaan magaalooyinka, hadana waa ay ku adagtahay in ay sii heystaan.

“Ciidanka Qaranka Soomaaliya uma tababarna in ay sii heystaan magaalooyinka,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed, oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena ahaa wasiirkii amniga ee sanadkii 2015-kii ilaa 2017-kii.

Waxaa uu hadalkiisa ku daray, “Danab inta badan waxay howlgallada sameeyaan habeenkii, waxay leeyihyihiin bartilmaameedyo qorsheysan in ay weeraraan, waxayna dib ugu soo laabtaan saldhigyadooda.”

Bishi March ee sanadkaan, agaasime ku xigeenka howlgallada ee Taliska Maraykanka ee Qaaradda Afrika Miguel Castellanos ayaa sheegay in Maraykanku taageerada Danab sii wadi doono ugu yaraan ilaa sanadka 2027-ka, ciidankana waxaa la gaarsiin doonaa illaa 3,000 oo askari, sida xilligaas uu balan qaaday.